Barnaamijka Siyaasadeed Cabdiraxmaan Cabdishakuur Uu Soo Bandhigay Iyo Cali Xaaji Oo Ku Doodaya Madaxwayne Waa Dastuur illaaliye ee Qorshe Siyaasadeed Waxaa leh Raysalwasaaraha(Qormo Gaaban Daawo Video)

Filed under: Important News,Wararka |

Musharax Cabdiraxmaan Cabdushakuur ayaa marar badan soo bandhigay qorshe siyaasadeed oo aad u wanaagsan.
Qorshaha siyaasada ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa inta badan lagu soo hadal hadal qaaday in waxa ugu muhiinsan ee kalsoonida shacabka Soomaaliyeed soo celin karaa uu yahay oo kaliya hagaajinta siyaasad wanaagga DFS isla markaasna haddii la wanaajiyo nidaamka siyaasadeed ee DFS ayaa waxaa kusoo noqon kara kalsoonida shacabka laakiinmarka la musuqmaasuqo nidaamka siyaasadeed ee DFS waxaa meesha ka baxaya kalsoonidii la isku qabay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Si Cajiiba U Soo Bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed Isagoo Noqday Musharax Ka Jawaabay Su’aalaha Asalkaa(Daawo)
Daawo waraysi Cabdiraxmaan

Laakiin Musharax Cali Xaaji ayaa sheegay in ay qalad tahay in uu Madaxwayne qorshe siyaasadeed soo bandhigo maadaama shaqada madaxwaynaha ay tahay in uu illaaliyo hay’adaha dawladda ee kala duwan sida Garsoorka, xukuumadda iyo Golaha wakiilada, isla markaana Madaxwaynuhu uu illaaliyaa qorshaha hay’adu ku shaqaynayaan uu waafaqsanyahay Dastuurka, isla markaana uu soo xusho Raysalwasare shaqadaas ka bixi kara balse uu shaqadiisa u daayo kaliya uu dusha ka illaasho in uu ku shaqaynayo qodabadii dastuuriga

Madaxwaynuhu waa illaaliye dastuurka waa dooda Cali Xaaji

FAGAARAHA KULANKII 23AAD OO GAROOWE LAGU QABTAY IyO Cali Xaaji Oo Ka Qaybgalay

Daawo waraysigi u danbeeyay

Hoos ka akhri qodabada dastuurka ee shaqada Madaxwaynaha

One Response to Barnaamijka Siyaasadeed Cabdiraxmaan Cabdishakuur Uu Soo Bandhigay Iyo Cali Xaaji Oo Ku Doodaya Madaxwayne Waa Dastuur illaaliye ee Qorshe Siyaasadeed Waxaa leh Raysalwasaaraha(Qormo Gaaban Daawo Video)

  1. Pingback: Barnaamijka Siyaasadeed Cabdiraxmaan Cabdishakuur Uu Soo Bandhigay Iyo Cali Xaaji Oo Ku Doodaya Madaxwayne Waa Dastuur illaaliye ee Qorshe Siyaasadeed Waxaa leh Raysalwasaaraha(Qormo Gaaban Daawo Video) - Daily Somalia Report