Beesha Caalamka iyo Golaha Sharci Dajinta (Xildhibaanada)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

dastuurkasoomaaliya
Dawlad-nimada ay hadda Soomaaliya ku shaqayso waxaa ugu muhiimsan Golaha Sharci Dajinta ee Aqalka Hoose, ma ahan Aqalka Sare.

Maadaama Soomaalidu ku heshiiyeen in la isku maamulo waxa dastuurka ku qoran.
Golaha Sharci Dajinta iyagaa ka mas-uul ah oo Dastuurka ama wax ka badalaya ama wax ku daraya, shaqooyinka ku qoran in dalka lagu shaqo galiyo.

Haddii la heli lahaa Gole Sharci dajin (Xildhibaano) daacada

1) Waxay si daacada u dooran lahaayeen Hogaan hagaagsan.
2) Waxay dajin lahaayeen sharci ciqaabaya xildhibanaada la laaluushayo, oo waxay ka soo saari lahaayeen sharci ciqaabeed 10 sano oo xariga xildhibaankii lagu qabto isagoo sharci dalka qaab laaluusha u iibsanaya.

3) Golaha Sharci Dajintu waxay sharci kasoo saari lahaayeen, Madaxwaynihii lagu helo isagoo laaluushaya xildhibaanada Golaha Sharci dajinta, oo isku daya in uu codkooda iibsado, marka uu muran yimaado, waxayna oran lahaayeen waa xabsi 15 sano ah Madaxwaynihii lagu helo arrinkaas.
4)Golaha sharci dajinta haday daacad yihiin waxay eryi lahaayeen Madaxwaynihii gudan waaya shaqadiisa.
5) Waxay dajin lahaayeen dhamaan sharciyada muhiimka ee dalka kala socodsiiya sida sharciyad Dawladaha Hoose, midka Canshuuraha, midka Doorasho xalaala qaabkii ay u dhici lahayd, dhmaan sharciyada kala duwan ee dalka, waxaa marka hore dajiya Golaha sharci dajinta markaas kadib ayaa lagu dhaqmaa, ee haddii aannu sharciba u dagsanayn maxaaba la qaban karaa.
6) Matalan waxaan maqalnay in marka sharci cusub la rabo in lasoo saaro, markaas ay hadda sida Soomaaliya ka jirta wax walba oo sharciya oo la rabo in ay Golaha Sharci Dajintu meel mariyaan waxaa lagu meel mariyaa lacag malaayiina, dhamaan deegaanada Soomaalida sida Somaliland, Puntland, DFS, Jubbaland, Galmudug, Koonfur-galbeed, haddaaan xildhibaanada codkooda la iibsan waxaa la isku raacay in aannu sharcigaas meel marayn, oo waa maalmaha ay qayilaan maalmaha sharci la meel marinayo.

Beesha Caalamka iyo Golaha SHarci Dajinta.

Beesha Caalamka kuwooda sharka ka shaqeeya, 4.5 waxay nowgu khasbayaan waxay ogyihiin Golaha Sharci Dajinta muhiimadiisa, waxayna rabaan in ay Golaha Sharci Dajinta ka dhigaan dad aan ehel u ahayn in la helo Qaran Soomaaliueed oo shaqaynaya, oo aan u damqanayn dalka, sida dad aan deegaan ay matalaani jirin ee Hawada matala, iyo qolooyinka laga tirada badan yahay oo horay dalka eedo badan uga tursanayay oo aan dalkaan u damqanayn maadaama aan iyagaba loo damqan jirin.

Madaxwayne Diktaatoora Waxna soo kordhin mayo oo waxwalba kaligii ay gacanta ugu jiraan, maadaama aynan jirin sharciyadii uu ku shaqayn lahaa, iyo Golhii Sharci Dajinta ee la xisaabtami lahaa.

Waxaana wax laga naxa ah dadka Soomaalidaa oo aanba wax aqoona u lahayn Gole sharci Dajin oo xitaa inta erayga Gole Sharci Dajin taqaan micnihiisa iyo shaqadiisa waa wax ka yar 1%.

Soomaalida hadda nool kuwooda waawayn waa kuwii xukuumaddii kaligi taliska ee Siyaad Barre kusoo barbaaray, oo waxba kama yaqaanaan Gole Sharci Dajin, ee waxay yaqaanaan Madaxwayne sida Siyaad Barre u shaqeeya oo waxwalba iyo awooddii ay isaga gacanta ugu jirto.

Soomaalida danbe waa kuwii ku soo barbaaray fawdada iyo qaran la’aanta ay dalka xukumayeen hogaaiye kooxeedyadu.

Hogaamiye Kooxeedyadu waxay dalka ku xukumayeen nidaamkii Siyaad Barre ee wali laguma xukumin dalka nidaam sharci ku salaysan, oo hadda Gaas iyo Culusow iyo Siilaanyo, waxay ku shaqeeyaan nidaamkii Siyaad Barre ee ay waxwalba gacanta ugu jireen Siyaad Barre, iyagana awooddii oo dhan iyagay gacanta ugu jirtaa.

Golaha Sharci Dajintu mushaarka iyo laaluushkay qaataan ee Sharciba ma eegaan.
P/O Desk