Beesha Habar-Gidir Iyo Dhacdadii Bariire (Qormo Iyo Maqaal Cadaalad Darada Aad Samayso Haddii Aan Adiga Lagaa Jarrin Ubadkaagay saamaysaa)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

political analysis
-Illaahay naxariistii janno ha ka waraabsho dadkii ku geeriyooday dhacdadaas Bariire.
Qormadan hoose waa mid aan isleenahay waxku saxa.

Hadda kahor baan Puntlandobserver ku daabacnay maqaal cadaynaya in kacdoonadii aduunka ka dhacay ay sabab u ahaayeen jawaab cadaalad darro, halkaan ka akhri Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

Hadaba dhacdadii ka dhacday Bariire ee ay ku geeriyoodeen 10 ka ruux ee Beeralayda ahaa ee intooda badan ay kasoo jeedeen Beesha Habar-Gidir, inkastoo ay warbixino badan arrinkaas ka imaanayaan anigaygan hadda qormadaan qorayana aanan hayn xaqiiqda warkaas hadana hadaan si guud oo academic ah u fallanqeeyo.
Waxaan la soconay in 5tii sano ee ugu dambaysay uu Gobalka Shabeelada hoose dagaal ba’an ku dhexmarayay beelaha Habar-Gidir iyo Biyomaal.
Waxaan kaloo ognahay in ay aagga isku hayaan Amisom iyo ciidamada DFS dhan ah, iyo Alshabaab oo dhan ah.
Waxaan kaloo la soconay in beelaha Biyamaal iyo Habargidir marba beesha DFS la safan ma ahane ay beesha kale Alshabaab wada shaqaynayeen oo maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda Cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa.
Hadaba sida uu saxaafadda la qaybsaday garyaqaan Abuukar kaytaamow –halkaan ka eeg warbixintaas.
Kaytaamow wuxuu yiri baryahaan beesha Biyamaal waxay isku dhan yihiin Amisom, waayo buu yiri Amisom kama dagaalami karaan kaymaha, balse maleeshiyaadka beesha biyamaal waxay Alshabaab kula dagaalamaan kaymaha ayagoo dhulkooda waardiyaysanaya, sidaas awgeed waxaa hubeeyay maleeshiyaadka beesha Biyamaal Amisom, taasina waxay sababi kartaa in alshabaab iyo beesha Habargidir isku soo dhawaadaan.

Sababta shacabkii beerta ku geeriyooday loo bartilmaamadaystay waxay ahayd fal lagu bartilmaameedsanayay Alshabaab inkastoo ay xitaa macquul tahay in aynanba wax Alshabaaba beerta joogin, waxaa kaloo dhici karta in ay dadkii meesha ku geeriyooday badankoodu Alshabaab ahaayeen illaa hadda cid cadayn rasmiya xogtaas u haysa ma hayno.

Hase yeeshee dhalinyaradii Bariire ku dhashay 1992 ee beesha Habar-gidir Maanta qaar bay caruurtoodu qaan gaar ku dhawyihiin, waligoodna ma aynan arrag meel aan shabeelada hoose iyo Bariire ahayn.
Laakiin dhalinyaradaas Soomaalidaa ee dhibku qabsaday waxaa dhib u keenaya cadaalad daradii ay sameeyeen siyaasiyiinta Beesha Habargidir ee 1990 dhulkaas xoogga ku qabsaday, waxayna dhalintaas la yaabanyihiin waxa socda.

Ujeedka maqaalkan waa ka fagow wixii cadaalad darro, iyo fidno la halmaama, waayo haddaan adiga lagaa jarrin waxaa laga yaabbaa in ay saamayso dhashaada.

Talo.
Siyaasiyiinta Beesha Habargidir hadda waa in ay Soomaalinimo iyo dawladnimo ka shaqeeyaan, oo wixii maanta ka danbeeya qabyaalad maya yiraahdaan, haddii laga wada shaqeeyo nidaam dawladeed qofwalba xuquuqdiisa wuxuu ka helayaa Dawladda, Soomaaliya dhul la’aan ma hayso dhulku dadka waa ka badan yahay, laakiin siyaasiyiinta beesha Habargidir waa in ay wiilashooda Alshabaab kala soo baxaan dawladnimadana ka shaqeeyaan, ganacsatoodana ku goobaabiyaan in ay dawladda la shaqeeyaan.

Puntlandobserver Desk.

2 Responses to Beesha Habar-Gidir Iyo Dhacdadii Bariire (Qormo Iyo Maqaal Cadaalad Darada Aad Samayso Haddii Aan Adiga Lagaa Jarrin Ubadkaagay saamaysaa)