Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

Filed under: Wararka |

Akhristow fadlan Maqaalkaan cidaad la qaybsankartid la qaybso xigmadda kujirta waa maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd

Dibiga gawrac wanku haku quusqaatee”

, calashaan ninkii hada cadaalad daro isle waxbaa kuugu hagaagaya, kutusaale qaado dhamaan cid walba oo cadaalad daro iyo jajuub isku dayday halkay ku danbeeyeen, halkay maanta Soomaali dhigeen illaa maanta ay Soomaali noqotay dadka aduunka ugu fakhrisan oo ugu liita.
lataus
Si aad walaalkaaga Soomaaliyeed waliba jiilka soo dhalan doona mustaqbal fiican ugu horseedo, la dagaalan cid walba oo cadaalad daro wada, dhiiri gali cidii cadaalada ku shaqaynaysa, ha u kala eexan walaalahaaga Soomaaliyeed, Soomaali waa walaalkaa ee hakala saarin.

Si cadaalad iyo wada jir loo helo, dhiiri gali in reer walba deegaankooda ay wixii siyaasada hada ku ekaadaan oo ay maleeshiyadooda kala baxaan deegaanada aynan u dhalan inta goori goor tahay, hada haday garan waayaan waxay ka shalayn doonaan maalin aynan waxba ka qaban karin waayo cadaalad daro jiilkaaga danbe ayay xitaa mustaqbal xun u horseedaa iyo in cadaalad darada aad fasho laga jaro faracaaga sida aad maqaalka hoose ka dhadhansan doontaan kacdoon kasta waxaa dhaliya waa cadaalad daro qolo si ula kaca u samaysay iyagoo isla qolo kale kusamaynaya ama koox diimeed ha noqdaan, ama koox qabiileed, ama koox siyaasadeed iyagu wax gaara isla doonaya, laakiin aan kafakarin war cawaaqib xumada iyo tusaalaha aad shacabkii Soomaaliyeed u horseedeen maxaa ka dhalan kara.

Matalan Soomaalidu waa isku dayataa, Tusaalihii Jamhadii SSDF, wauxuu noqday Tusaale xun oo Soomaaloo dhan ku dayato, illaa reer walba ay Jamhad samaysteen, jamhadaasna waxay ja dhalatay cadaalad daradii ay sameeyeen Qolooyinkii Siyaad Barre.

Gooni isutaagii Soomaaliland wuxuu noqday Tussale Soomaaloo dhan ay ku daydaan illaa maanta reer walba ay ku dhawaqeen maamul gobaleed, illeen maamulka Soomaaliland waa iska beel markaas wuxuu dhalay in beelkasta ku dhawaaqdo maamul.

Hadiise aad nidaam cadaalad iyo midnimo ku salaysan aad Soomaali u horseedid waa ay kugu dayanayaan jiilasha kale oo dhan oo waxaad noqonaysaa Tusaale wanaagsan

Hadaba maqaalkii kacdoonadda dahsoon hoos ka akhri

dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sidda Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

One Response to Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

  1. Pingback: Beesha Habar-Gidir Iyo Dhacdadii Bariire (Qormo Iyo Maqaal Cadaalad Darada Aad Samayso Haddii Aan Adiga Lagaa Jarrin Ubadkaagay saamaysaa) | Puntland Observer