Dastuurka Puntland Oo Aynan Meelna Uga Qornayn In Madaxwaynaha Puntland Uu Magacaabi Karo Ama Xil Ka Qaadikaro Ama Isku Shaandhaynkaro Garsoorka ama Maxkamadaha (Akhri Fallanqaynta)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Dastuuradii Puntland ee 1998,2001,2012 (Akhri dastuurada) ayay waxay dhamaantood sheegayaan in ay hay’adaha dawladda 3 yihiin isla markaasna hay’adkastaa ay madax banaantahay oo aynan hay’adna hay’adda kale maamulankarrin.

Hadaba hay’adda Garsoorka ayaa ah hay’ad ka madax banaan hay’adda xukuumadda, waxaana uu dastuurku qorayaa ay gudiga sare ee Garsoorka madax ka yihiin hay’adda Garsoorka oo uunan Madaxwayne soo magacaabayn balse ka kooban gudoomiyaha maxkamadda sare, xeer illaaliyaha guud, 3 Garsoore iyo laba qareen oo bulshada laga soo xulay,
Sida dastuurka ku qoran Gudiga sare ayaa u xilsaaran magacaabidda Gudoomiyaasha Maxkamadaha iyo dhamaan xilalka Garsooorka.
Hoos ka eeg dastuurkii 1998 qodobka 23aad Gudiga Garsoorka.

gudiga sare garossrka dastuurkii1998

Wiigaan ayaa waxaan arkaynay Madaxwayne Gaas oo isku shaandhaynaya Gudoomiyahaasha maxkamadaha, waxaana kaba sii daran iyadoo loo hogaansamay arrinkaas oo aynan cidina oran bal madaxwayne xaggee dastuurka uga qorantahay in aad isku shaandhayso gudoomiyayaasha maxkamadaha sidii xukuumaddii Siyaad barre.
Waxaana xusid mudan markii ay shacabku sidaas oo kale qaladaadka Madaxwayne Faroole la dagaalamayeen oo qaar u geeriyoonayeen Madaxwayne Gaas hoos buu ka daawanayay oo waa ku faraxsanaa, maantana bulshadu waxay ka sugaysay oo loo doortay waxay ahayd in uu nidaam cadaaliya sidii ay umadaan u helilahaayeen doorka ugu muhiimsan ka ciyaaro, hase yaashee may dhicin.

Akhri qormo aan Puntlandobserver ku daabacnay 2013 xiligii xukuumaddii Faroole.

See Soomaaliya Loo horumarinkaraa, waxaa lagu horumarinkaraa Cadaalad, Cadaalad, Cadaalad(Warbixin Muhiima oo kooban fadlan ka faa-iidayso oo akhri)