Fadeexad: Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Puntland oo Gaas Ku Amaanaya Lacagtii Dadka Masaakiintaa Magacoodii Lagu Keenay Oo Layiri Lacagta Gaas Baa Puntland Ugu Deeqay Iyadoon La cadayn Halka Laga Keenay(Fallanqayn)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Horay baan ugu daabacnay marar badan P/O siyaasiga Soomaaligaa isagaa gacantiisa isku toogta, oo Siyaasiga Soomaaligaa garashadiisu waxaad is oranaysaa aad bay u hoosaysaa.

Waxaan qormooyin aad u farabadan ku daabici jirnay Puntlandobserver xiligii xukuumaddii Faroole innagoo marwalba uga digi jirnay wadada qaldan ee uu qaadayay, isagoo helikaray in uu wadada saxsan wax ku maamulo.
Sidoo kale Xasan Sh.

Hadda Gaas hal cod un si dirqiya uga qaaday Faroole oo illaahay ku taageeray ribitaanka shacabka Puntland oo markaas khadyaan ka taagnaa maamul xumadii Faroole, shacabka ayaa faroole ku diidanaa xukun boob iyo kaligii talisnimo.

Shacabka puntland baa si aan la malaysan karrin ugu farxay guushii Gaas, waxayna shacabku filayeen oo ku tuhmayeen nin samayn kara isabdel siyaasadeed oo mug-leh waliba isbadel dhanka maamul wanaagga iyo adkaynta hay-adaha dawligaa gaar ahaan haykal dawladeed oo waara iyo in uu Gaas xulan doona dadka daacadnimada iyo khibrad aqooneedka lagu tuhmayay kuwaas oo kamid ahaa ballanqaadyadii Gaas markii uu musharaxa ahaa.

Waxaana hubaala in shacabka Puntland waxwalba oo taageero ah ay Gaas la daba istaagaan diyaar u ahaayeen isla markaana ayba la dagaami lahaayeen cidii ka daba hadasha 10-ka sano ee soo socota, waayo hadda dadku qabashada xil madaxeed waa naceen.
Hase yeeshee Gaas Dawlad wanaag waa diiday oo taa badelkeed wuxuu door biday diktaatoor nimo iyo in uunan qaadan talada dadka talakeenkaa, waxaanan p/o Ku daabacnay qoraalo farabadan oo ku saabsan cawaaqib xumada xukun boobka akhri qoraalka xukun boobka.

Baaritaan aan si hoose u samaynay waxaa noo soo baxday wadamada xukuma caalamka soo koraya in aynan ogalayn in haba yaraatee awoodda iyo talada shacabka dalalka soo koraya gacanta loo galiyo ee taa badelkeeda waxay kaliya oo aaminaan nin kaligi taliye ah oo waxwalba ay kaligiis gacanta ugu jiraan, oo xitaa haday kaabayaal dhaqaale dal xoogaa u dhisayaan waa in uu haystaa nin kaligi taliye ah oo awoodda dalka ay kaligiis gacanta ugu jirto haddii kale danahii ay lahaayeen ma helayaan, oo baaritaan aan samaynay waxaa shaki naga galay in qolooyinka beesha caalamka ay qayb ka yihiin in aynan shacabku dalkooda maamulkiisa laga tala galin sida dalalka horumaray

Waxaynanse qolooyinka beesha caalamka talada ku darsan dhiigga dadka Soomaalidaa oo aan waligood dulmi qaadan sida uu qoray qoraagii boqorka ingiriiska uga soo warbixiyay dhaqanka ninka Soomaaligaa 1913

Si kastaba ha ahaato siyaasiga Soomaaligaa ma akhriyo dhiigga Soomaalida oo aan inyar oo dulmi iyo isla waynan iyo wax isdaba marin yeelin, oo ninkii ficilooyinkaas caadaysta way ka jaraan maalin ay ka jaraanba
Waxaan hadda ka hor p/O ku daabacnay maqaal Siyaasiga Soomaaligaa wuxuu Leeyahay Dhaqanka Dhurwaaga Ma Yaqaan (Win Win)
Qormada ayaa oranaysa war siyaasiyow
Adigu waadba guulaysatay oo kursigii ugu sareeyay bay shacabku kuu garteen ee adiguna tanaasul oo xukunkoo dhan ha boobin xitaa 30% dhaqaalaha iyo xukunka madaxtooyadu ha maamulaan iyo qolooyinka beesha caalamka laakiin 70% shacabka inta kale uga tag oo 70% kaa haray udaa shacabku ha isku maamuleen wixii mansaba dhexdooda ha isku doorteen wixii kharashana si daacada in loo maamulo u horseed oo ruux daacada ugu dhiib adiguna ku illaali.

Laakiin marba hadday marayso wuxii xukuna anaa boobaya 100% oo waxwalba anaa maamulaya.
Hadana haba la igu amaano.

Arrinkaas oo ah arrin uunan siyaasaiga Soomaaligaa cawaaqib xumadeeda garanayn iyo waxa aad yaraysato oo hadhow aafo kugu noqda

Puntlandobserver desk