Kooxda Damjadiid Oo Laxaqiijiyay In Ay Ku Talagaleen In Ay Gaalkacyo Dagaal Ka Ridaan

Filed under: Important News,Wararka |

Warar xaqiiqa ayaa cadaynaya in ay in muddo ahba kooxaha Damjadiid boorka ka jafayeen sidii ay Gaalkacyo dabka u saari lahaayeen iyagoo waxwalba isku dayay.

Waxaana la wada xasuustaa murankii sheegashada ay Galmudug sheegatay illaa Burtinle oo ay gadaal ka riixayeen kooxda Damjadiid ee uu Culusow hogaamiyo iyo Gacmashisheeye.

Akhri warbixinta aan sanaddii 2014-ku ku daabacnay p/O.
Warbixintii Puntlandobserver ee Muranka Gulmug iyo Puntland shidaal buu salka ku hayaa oo run noqotay (Cadaymo iyo warbixinadii hore is keenay)

Hadaba maadaama ay Soomaali si hoose isaga warhayso ayaa waxaa aad looga warhayaa abaaabul dagaal oo ay wadaan kooxaha Damjadiid oo kaarar badan isticmaalaya sida midka kaarka Qabyaaladda, kaarka kooxaha Alshabaab, waxaana ka go’an in ay Gaalkacyo dagaalo faraha looga gubto ka ridaan.

Waxaana isa soo taraya dadka shacabka Gaalkacyood ee caadigaa usoo diraya digniinaha dadka ay Qaraabada yihiin.

Waxaana u danbeeyay iyagoo askartii DFS kusoo daabulaya Gaalkacyo, waxaana isasoo taraya sida ay shacab badan uga dhaadhicinayaan Galmaudug waa in ay xudeedaheeda soo xirto, waxaana iska cad in ay dagaaladan ay hadda Gaalkacyo ka abaabuleen ay yihiin kuwa ay si ula kaca u abaabuleen kooxda damul-jadiid oo adeegsanaya Hogaamiyaha dhanka Galmudug masuulka uga ah.

Waxaa maalmahaan isa soo taraya shacabka beesha sacad oo aad usoo fahmaya in aan dadka walaalahooda ee ay dariska yihiin lagu darin oo dagaal aan dani ugu jirin la gallin.