Marlabaad Akhri Maqaal 2015:Waxaad arkaysaa madaxwayne oranaya waxaan idiin dhisayaa ceelal,Haddii la hirgallin lahaa Nidaam wanaagsan oo horumarineed oo shacabka dhaqaalahooda lagu midayn lahaa xatooyada iyo musuq maasuqa laga illaalin lahaa markaas ayay shacabku dhisan lahaayeen Ceelal

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwayne Mansabkasta magacaabaya Ma dimoqraadiyad mise Diktaatooriyad (Maqaal xal u ah Nidaam darada Soomaalida)

Maqaalkan ayaan bulsahda marlabaad usoo bandhigaynaa kadib markaan dhagaysanay hadaladii Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana aan uga digaynaa madaxwayne farmaajo in uu ka leexdo wadooyinkii ay horey ugu guul daraysteen madaxdii ka horaysay.
Mar uu Farmaajo la hadlayay shacabka ayuu ballanqaadyo farabadan u samaynayay, waana uu niyad fiicanyahay oo runtii hadaladiisu wax aan wanaag ahayn ma lahayn laakiin waxaa la rabbaa in aan xaqiiqda meesha laga saarrin waayo waxaa la rabbaa in uu madaxwaynuhu marwalba doorkiisa shaqo xasuusto.

Doorka shaqo ee madaxwayne waa illaalinta hay’adaha kala duwan ee dawladda sida Garsoorka, Golaha sharci-dajinta, xukuumadda, dhaqaalaha, saxaafadda, ciidamada, maamul-gobaleedyada, arrimaha dalalka shisheeye, iyo xulasahda dadku ugu habboon fullinta shaqooyinkaas qaran ee culus oo aan marna eex lagu xullin ee aqoon iyo karti lagu xullo.

Waxaana hadda ay soomaali ugu baahi badantahay.
1) midayn shacab, kalsooni isku soocellin shacab
2) Hirgallin nidaam dawladeed oo isla xisaabtan iyo cadaalad ku aslaysan, oo markaas xeer iyo dastuur loo dajiyay ku shaqeeya isla xisaabtan ku albaabanyahay
3) taabagallin nidaamkii doorashada mustaqbalka, ee ay ka billaabanayso, tirakoob, diinwaangallin, hirgallin in Xildhibaankasta laga soo doorto Gole Deegaan Siyaasadeed (constituency), kadib xisbayadii siyaasadeed.
4) Abuurid illa dhaqaale.
5) Abuurid ciidan qaran, ciidanka qaranka waxaa la abuuri karaa marka ay arrimaha kore kuu diyaarsanyihiin, haddii kale ciidanka aad abuurto dhibka un bay sii siyaadinayaan iyo maleeshiyo beeleed hor leh.
6) Dib u habayn dastuurka iyo iswaafajinta wadashaqaynta dawladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada