Maxaa ka hirgallay Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxkasta oo dhanka wanagsan loo dhigo, qolaa dhanka kale ula cararta.

Fikirka in Soomaalidu dhexdhexaad ka noqoto siyaasaha aduunka waa fikirka ugu qiimaha badan in aadan cidna colaysan, laakiin waxaad mooddaa in ay hadda soo badanayaan qolooyin aad u colaadinaya Imaaraadka iyo xulufadiisa waana arrin aad iyo aad u qaldan, waayo imaaraadku wuxuuba ahaa dalka kaliya ee Soomaali ku badbaaday xiligii burburka, oo imaaraadka la aantiis Soomaali lamaba arkeen.

 

Aad baan u cambaaraynaynaa qolooyinka dacaayaha la daba taagan imaaraadka, waxaana Soomaalida laga doonayaa in ay marwalba dhanka wanaaggana eegaan iyo inta wanaag ee ay imaaraadku Soomaalida u sameeyeen, ee aan lagu mashquulin siyaasadaha uu imaaraadku dhex maquurtay iyo xulafadiisa.

Soomaalida waxaa laga rabaa in ay siyaasad dhexdhexaada la yimaadaan oo aynan cidna colaysanin, sidaasay danta Soomaalidu ku jirtaa, umad walba iyo dalba walba iyo qowmiyad walba waa noo muhiim dadka hanaga didinina.

Halajoojiyo wixii xasarad wada, imaaraadka iyo xulafadiisa waa dalalka nawgu muhiimsan oo danta Soomaalidu dhan walba uga xirantahay darisna nala ah, waa walaalaheen imaaraaadku cid naga mudan ma jirto.

Akhri Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad)