Muranka Galmudug Puntland iyo DFS iyo waxa aanad ogayn arrin la xiriirta Shidaalka (maqaal Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Warbaahinta Puntlandobserver ayaa aad ula socotay arrimaha muranka Galmudug iyo Puntland, waxaana aan haynaa qormooyinkii aan billowgii ka qornay.

Warbixino aan dad wargal ah ka hellayno ayaa sheegaya in arrinka murankaan dhaliyay uu salka ku hayo Batrool lagu sheegay in uu aaggaas Garacad iyo Gaalkacyo ku jiro.

laba arragtiyood ayaa qoloba dhan fikirka la aadaysaa, Qolo waxay leeyihiin Madaxda DFS ayaa shirkado Batrool siiyay ogalashaasho Gobalka Mudug qaybta Puntland, waayo waxaa u fudud in ay Galmudug ka hellaan ogalaasho, sidaasna shirkada uga qaatan lacagta.

laakiin arrinta asalkaa ee Puntlandobserver ay hayso qormooyin rasmiyana aan ka hayno waa arrinka la xiriira bookhashadii wafti Chinese ah oo gaaray Magaalada Garacad, waftigaas oo gaaray magaalada Garacad 27.7.2014 , waftigan ayaa loo badinayaa in ay ahaayeen rag ka mid ah shirkadda Ayraboorka Boosaaso dhisaysa, oo markaas eegaysay in ay mashaariic ka fullin karaan Garacad.

2 Casho kadib Bookhashadii waftiga shiinahaa ee Garacad gaaray waxaa xigay, waxaa lagu dhawaaqay maamul loo samaynayo Gobalada Mudug iyo Galguduud, Shirkaas oo ay joogeen Madaxwaynaha Galmudug, Madaxwaynaha Soomaaliya iyo raysalwasaaraha, Beesha Caalamka, intuba waxay Taageereen in Gobalka Mudug oo dhan iyo Galgadaduud Maamul loo samaynayo.

Waxaa isla maalintii warsaxaafadeed qabtay Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb Baarleex oo sheegay in laga Been abuurtay laguna degdegay oo ay dawladda federaalkaa waxaan maloogatay, sidoo kale Ahlu sunna ayaa shir jaraa-id qabatay oo sheegtay in laga been abuurtay oo waxaas DFS iyo Beesha Caalamkaa walaaqdeen,

warbixntaas halkaan ka daawo

Halkaan ka eeg warbixinta ay markiiba Puntlandobserver arrinkaas ka diyaarisay

Maamulka Gobalada Mudug iyo Galgaduud ujeedada loo sameeyay armay ahady in Shiinihii Garacad lageeyay loo sheego in Garacad aynan Hoostagin Puntland ee wixii Saxiixa lawaydiisto Cabdiqaybdiid (Warbixin)

Arrimahaas ayaa muujinaya ama shakiwayn keenni kara in arrinku uu salka ku hayo arrimo shidaal, ama ay soo maleegeen qolooyin ka xun in Dekad iyo waddo laga hirgaliyo Garacad, markaas kadibna Kastam wayn laga sameeyo xuduudda Puntand iyo Ethiopia.

Dhanka sheegashada Galmudug ee deegaanada Puntland waxaan idiin haynaa Cadaymo Madaxdii doorashada isku sharaxayeen ay qiranyaan halka uu xadkoodu ku egyahay iyo waliba ansixintii Dastuurka Galmudug ee lagu sheegay in ay xuduudda Galmudug tahay Buurtinle.

CabdiQaybdiid oo waraysi uu VOA siiyay ku qirtay in ay isaga iyo Xasan Shiikh ka danbeeyeen in Gobalka Mudug Puntland laga gooyo oo Galguduud la raaciyo (Dhegeyaso)

Dhanka kalena wasiirka Arrimaha Guduha DFS Mudane Odawaa oo Bartiisa Facebuugga ku xayaysiinaya in Dastuurka Galmudug dhigayo in Xuduudda Galmudug tahay Buurtinle halkaan ka eeg

Arrimahaas oo dhan ayaa cadayn u ah in uu Xasan sheikh uu si toosa ugu luglahaa waxa dhaliyay Murunka Xuduudda Galmudug iy Puntland oo shacab badan ka qayliisayay waqti fara badanna uga dhumay.

Jawaabtii ay Puntland ka bixisay halkaan ka daawo.
http://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/5837-soocade-hadalkiisu-waa-cad-yahay

Ugu danbayntiina warbixin ay Puntlandobserver ka diyaarisay sida Beeluhu ukala degaan Gobalka Mudug

Puntlandobserver Desk

One Response to Muranka Galmudug Puntland iyo DFS iyo waxa aanad ogayn arrin la xiriirta Shidaalka (maqaal Kooban)