Musharax Aqoonyahan Gablax muxuu kusoo kordhiyay siyaasadda Soomaalida (warbixin muhiim ah)

Filed under: Wararka |

Aqoonyahan Gablax ayaa ahaa Siyaasigii aadka isugu hawlay in ay fahmaan Shcabka Puntland Siyaasada Checks and balance.

Dhgayso: Musharax Gablax sanad kahor muxuu kayiri arrimaha Puntland ee muhiimkaa sida (Dawladwanaag, Horumar dhaqaale, Diinwaangalin iyo Dimuqraadiyadayn, Jiriifka Badda) “dhagayso warbixo fara badan”

Halkaan hoose ka eeg sababta Gablax uga tanaasulay Musharaxnimadii

Maxay tahay sababta Musharax Gablax oo laba sono soo waday dadaalka Musharaxnimo uu la tanaasulay

Gablax

gablax


Cabdiraxmaan Sh Maxamed Gablax waa shakhsi Aamina oo aan noloshiisii xabsi galin, waligiis aan lagu hayn haba yaraatee wax isdabamaris, balankabax, dabamaryayn, khiyaano, taa badalkeedana waxaa lagu yaqaanaa, daacadnimo, qadiyad, shaqo badan,howl karti iyo miskaxbadan, hal abuurnimo, waxaana u daliila Cabdiraxmaan inta badan noloshiisa isagaa isdabarayay oo illaa heer jaamacadeed illaa heer uu maalmaha qaarkood 1000$ kushaqeeyo oo waliba shirkada waawayn ay isku falisaan uu dadaal badan kadib ku gaaray illaahayna kucaawiyay.

Aqoonyahan siyaasi Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Gablax oo isku soo taagey u tartanka musharaxnimadda Puntland waxa uu siyaasadda Soomaalida kusoo kordhiyay arrimo aynan horay Soomaalidu waxba ugala socon, inta fahansana ay la aamusnaayeen, arrimaha uu Siyaasigan soo kordhiyay ayaa waxaa kamidda.

1) Separation of power oo Micnaheedu yahay in Nidaamka (system) ama xukunka dalka oo lakala qaybqaybsho, oo Laanta Golaha Fulinta madaxbaantahay, laanta Golaha Garsoorka madaxbaantahay, laanta Golaha Sharcidajinta madaxbanaantahay, Saxaafadu madaxbaantahay, dhaqaaluhu Madaxbaanyahay, Madaxwaynaha iyo raysalwasaaraha Dastuurku u kala qaybshay shaqada mid walba uu qabanayo.

Isagoo arimahaas ka hadlayana waxaad xataa sifiican u dhuuxdaa erayadiisii maalintii uu doorashadda isku soo taagay

Ama Halkaan sifiican uga bogo barnaamijyo farabadan iyo warbixin arinkaas ku saabsan

2) Gablax waxa uu sifiican Soomaalida marar badan ugu soo bandhigay in awoodda dalka ay leeyihiin laanta sharci dajinta ee baarlamaanka (Legislative Branch .), Arinkaas Soomaalidu awal warbadan uma hayn laakiin maanta waxaa si tartiib tartiiba usoo shaacbaxaysa ogsoonaanta muhiiimadda awoodda Golaha wakiiladda ama xildhibaanadda Baarlamaanka in ay yihiin iyagu hogaanka asalkaa ee dalka oo ay 50% dastuurku siiyay iyaga awoodda dalka, waxayna kusocotaa hadii ay hadda muujiyaan Galaha sharcidjinta awoodoodda in ay Mustaqbalka xildhibaanadu qiimi aad u farabadan yeelanayaan laakiin hadii awoodoodii Dastuurku siiyay aynan baran ama aynanba u warhayn in ay Madaxwaynaha iyagu ka awood badanyihiin, waxaa shaqadoodii qaadanaya Madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha, waxayna noqonyaan dad farta lowgu yeero oo layaso, Gablax ayaa arinkaas buugna ka qoray siwaansgana marar baddan ugu soo bandhigay shacabka Soomaalida muhiimadeedda ay leedahay in mar un lahelo Xildhibaano si saxa ula xisaabtamaya Madaxwaynaha.

3) Gablax wuxuu soo bandhigay oo aad ka dhadhansanaysaa dhamaan warsaxaafadeedyadiisa iyo waraysiyadiisa muhiimadda ay leedahay Garsoor madaxbanaan, Saxaafad madaxbaan, iyo Dhaqaalaha oo ka madaxbanaanaada xukuumadda, waayo Matalan Saxaafaddu waa halka ay shacabku kala socdaan dhaqdhaqaaqa xukuumadda, markaas hadii saxaafadii ay maamusho xukuumaddu waxaa meesha kabaxaysa in shacabkii lasocdaan afcaasha xukuumadda, waxaana suuroobaysa in ay xukuumadaas iyadu ku adeegato masiirkii shacabka, dhanka kale Dhaqaaluhu waa in uu leeyahay Accountability rasmiya oo ay waxwalba xeerarka caalamigaa ku shaqeeyaan sida in Miisaaniyadda dawladda illaa mushaarka Madaxwaynaha uu baarlaamnku go-aamiyaa oo ka doodaa, dabadeedna Accountability rasmiya lagu wada shaqeeyaa oo matalan Mushaarka Madaxwaynaha uu noqdaa Jeeg Maaliyada kasoo baxay, dabadeedna uu bangiga lacagtaas kaga qaataa Jeegaas, bangiguna yahay bangi madaxbanaan oo dawladda ka madaxbanaan dadkuna sheer kuleeyahay dawladuna sheer ku leedhay, ee aynan noqon Boono Madaxwaynuhu ciduu rabo isaga saxiixayo

4) Arinka kale oo Gablax uu shacabka Soomaaliyeed aad ugu soo bandhigay waxaa kamid ah, muhiimadda ay leedahay shacabka oo ladiiwaan galiyo, shacabka oo addres ama cinwaan lagala xiriiro loo sameeyo, shacabka oo aqoonsi loosameeyo waayo hadii aan shacabka ladiiwaan galin,oo aynan aqoonsi iyo cinwaan lahayn, micnaheedu waa waxba ma jiraan, waayo sidee Xildhibaan lagu soo dooranayaa, hadii aan shacabku diinwaan gashanayn, aqoonsi lahayn, cinwaan lagu yaqaan lahayn Halkaan ka dhagayso iyadoo Gablax si waafiya u sharaxayo sanad kahor

Shacabka marka ladiinwaan gasho oo aqoonsi loo sameeyay oo ay leeyihinn cinwaan lagu yaqaan, ayay doorasho ka qaybqaadan karaan, oo markaas kadib baa xildhibaanka asalkaa la ogaankaraa, laakiin Xildhibaan lacag iyo laaluush lagu keenay ma ahan Xildhibaankii asalka ahaa, waana halkaas bilowga cadaalad dalka loo horseedo marka xildhibaan asala oo matala tiro dad ah oo cinwaan gooniya lagu yaqaan.

5) Hadii aad u fiirsatid erayadda Aqoonyahan Gablax, waxaa ka buuxa Muhiimadu Dastuurku leeyahay, iyo in Dastuurku yahay meesha asalkaa ee dalka laga xukumo, in uu madaxwaynuhu yahay shaqaale ama adeege, sidaa la ajligeed in aan aad lowgu sacabin ee taa badalkeedda lala xisaabtamo, oo madaxwaynaha ay shacabku ku qaldameen ay Baarlamaanku shaqada ka cayriyaan oo midkale shaqadaas u dhiibaan, Gablax asagoon nebcayn Faroole oo runtii markaad hoos ula sheekaysatid aan shakhsiyan wax cuqdadda u hayn, ayay hadana erayadda ad adag ee uu faroole ku tuurayo micnaheedu yahay muujin in loobaahanyahay in madaxwaynuhu yahay shakhsi aan shaqadii si wanaagsan u qaban shacabkuna ay waajib kutahay in ay runta u sheegaan, illaa inta ay ka helayaan shakhsi u qalma oo u adeega iyaga ee aan asagu adeegan.

Awal Soomaalida waxaa dhaqan u ahayd in ay Madaxwaynaha hoos u fiiriyaan oo ay kabaqaad u noqdaan, oo uu wuxuu rabo sameeyo, oo uu Boonooyin iska soo jaro, oo aan cidi wax u sheegi karin, laakiin Halyay geesi Gablax halkaan ka dhagayso sida kulul ee uu Faroole marwalba hadalada ugu adkaynayo, tan oo lamida sida kulul ee marka Maraykan ay doorashadu ka dhacdo ay madaxda tartamaysa si fiican isugu duqeeyaan
Halkan ka daawo qaaarkamidda waraysiyo gablax saxaafadda laqaybsaday dabadeedna si fiican hadaladdda gablax u dhuux, sanad ka hor Soomaalidu ma fahmi karin waxa Gablax ka hadlayo laakiin maanta si wanaagsan bay u fahmayaan

6) Gablax ayaa shacabka Soomaalida ah marar badan usoo bandhigay qaabka dalka loo horumarinkaro oo shaqooyin shacabka lowgu abuuri karo.

Halkaan ka eeg warbixn yar oo Puntlandobserver kadiyaarisay dhowr xog hore

Halkaan ka daalaco waraysi muhiima Qaybtiisa 1aad oo Gablax siiyay radio barkulan

Halkaana ka dhagayso Qaybta labaadna oo uu gablax Dhaqaalaha aad uga hadlayo

7) Gablax ayaa doonaya in sidan lookala hormariyo arimaha isbadal doonka.

A) Nidaam cadaalad kusalaysan oo Madaxda dalka ay noqdaan Madax dastuurka iyo shaqada shacabku u dirsaday fuliya, isla markaasna is casila markii qalad lagu helo, hay-adaha Dawligaa ay dhamaantood Dastuurka ku shaqeeyaan, oo Hay-ad kasta lagu cadeeyo shaqadeeda Dastuurka, hay-adkastaana Madaxbanaanaato, sida Laanta Sharci dajinta oo madaxbanaan, laanta Xukuumadda oo madaxbaan, Laanta garsoorka oo Madaxbaan, Laanta Saxaafadda oo Madaxbanaan, Laanta Maaliyadda oo Madaxbanaan, dhaqaalaha ay baarlamaanku soo diyaaryaan xataa Mushaarka madaxwaynaha, Madaxwaynuhu Saxiixo, garsoorku eegaan in arinku dastuurku waafaqsanyahay, saxaafadu si xora shacabka ugu soo bandhigto, Maaliyaddu ay noqoto meel wax lawada arko ladhigto, oo Jeegagii illaa Golaha sharci dajinta, illaa garsoorka soo maray markaas lacag looga qaato ee aynan noqon Xaashi Madaxwaynuhu iska soo qorto oo uu qofkuu rabo siiyo-

b) Talaabo kasta oo laqaadayo in lagu saleeyo erayadaan Transparency ” Calashaan waxwalbaa waa in ay ahaadaan wax dadka oo dhan arko ee aynan ahayn wax dhowr qof kaliya ka warhayaan”, Consensus “Calshaan waxkasta oo go aan laga gaarayo waa in ay yihiin wax la isku waafaqay oo heshiis lagu wadayahay oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda ka dhexmuuqdaa”, consequence “Talaabo kasta oo laqaadayo waa in laga fakaraa cawaaqib xumada ka dhalankarta”.Team work “Calshaan shaqo kasta waa in gudi loo xilsaaraa kasoo kasoo baaaraandaga marka hore, markaas kadib wax la isla meel dhigo”, Accountability, bottom up approach “in waxkasta hoos laga soo bilaabo, illaa in Caruurta tacliintooda iyo Sports ahaan loosoo dhiso inta ay 7 sano kayaryihiin”.

C) Innovation “Halabuur iyo alifaad farsamo cusub iyo qaabayn farsamadii hore”,
Waxaana runtii wax lagu farxo ah, Siyaasado muhiima oo Aqoonyahan Gablax uu usoo bandhigay Shacabka Soomaaliyeed., Standardization” Standardization-ku waa qaabka ugu wanaagsan ee Puntland iyo Soomaaliyaba lagu horumarinkaro, waana cilmi baaris iyo jaangoyn regulation dawladu usamaysay oo si fudud dalkoo dhan lowgu baahin karo, waana damaca koobaad ee u dagsan Gablax in uu ka hirgaliyo Puntland”, research centers “in lasameeyo xarumo farabadan oo cilbaareed oo kaliya waxa xarumahaas kasoo baxa lagu shaqeeyo oo dhamaan siyaasadda dawladda ay ku salaysnaataa maxsuulkaa cilmi baaristaas kasoo baxda”.

D) Si wadanka dhaqaale lowgu abuuro waa in laga faa iidaysto Tegnoolajiyadda casrigaa oo Canshuur ururin la isla ogyahay lasameeyaa iyadoo la isticmaalayo Mobile banking system, in Bangiyo nidaamsan la sameeyaa, in Qiimaha korontada 7 cent lagaarsiiyaa iyadoo laga faa iidaysanayo qoraxda iyo dabaysha, in la abuuraa shirkado ay dadku sheerar ku yeeshaan Dawladuna sheerar kuyeelato si dalka dib lowgu maalgaliyo sida Shirkad samaysa Qalabka Dabaysha korontadda ka dhaliya iyo shirkad samaysa Qalabka korantada qoraxda looga dhaliyo, shirkad Caanaha warshadaysa waa badanyihiin.

c) Dabci wanaag, Aduunkoo dhan nabad iyo wanaag kula dhaqan, Beelaha Soomaaliyeed u horseed wadashaqayn, iskaashi, Soomaalinimo, waxwalbana ku xali wanaag, tanaasul, iyo ugu danbayn miiska wadahadalka, sanadkaan waa sanadkii Horumarka waa dhamaaday Dagaalkii, bar umadda qaabka loo shaqayso wax loo qabsado, kana leexi wadada dagaalka iyo kaligi talisnimada.

Hadii aad arimahaas kore qudhaadu ay niyadaadda kaaga jireen kusoo biir taageerayaasha Cabdiraxmaan Gablax ee isbadal raadiskaa fadlan, oo kala xiriir emaalka Cabdiraxmaan gablax ee ggablax@gmail.com ama barta Facebooga ee Gablax