Muuse Suudi: Hogaamiye Kooxeedka Ay Soomaalidu aad uga Hellaan Hadaladiisa ee Goobaha Fadhikudirirka aad lowgu maadaysto ayaa maanta Puntland Ku Riday (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Muuse Suudi Yalaxow oo ay Soomaalidu aad u jecelyihiin hadaladiisa AMA AY U YAQAANAAN JAAJAAE AMA NIN KAFTAN SIYAASADEED BADAN ayaa hadda ka hor xukuumaddii Cabdillaahi Yusuf markii ay Baydhabo ku sugnayd ee ay Muqdisho usoo socotay la waydiiyay Muuse Suudi oo xilligaas maleeshiya beeleed farabadan xuxummay waxa uu ka yeellayo.

Muuse ayaa ku jawaabbay
Minay Buufin tahay xukuumadda Cabdullaahi yusuf waa bajihaa, minay bir tahayna waa ka bayraa.

Waxaa kaloo lagu xasuustaa Muuse Suudi, xilligii uu Cabdullaahi Yusuf Musharaxa madaxwayne ahaa xilli in muddo ah beesha Doorood loo diiday muqdisho ayuu Muuse yiri Cabdullaahi Yusuf kaba ka waawayn uu gashahaa, isagoo ka wada wuxuu kasoo jeedaa beesha Daarood oo Muqdisho looga adkaaday hadana in uu Muqdisho ka taliyuu rabaa, isagoo markaas Muuse qaymaynaya tignikadii faraha badnabadnayd ee ay xilligaas magaalada muqdisho ku haysteen hogaamiye kooxeedyadii magaalada muqdsho oo dhammaantood kasoo jeeday beesha Hawiye marka Muuse ayaynan macquul u noqon in waxaas oo huba oo xamar ay beesha Hawiye muqdisho ku haystaan aynan cid aan Hawiye ahayn u babac dhigi karrin, waana sababtaas sababta Muuse la yiri Cabdullaahi kaba ka waawayn uu gashtay.

Waxaa kaloo lagu xasuustaa xilligii Cabdiqaasim Madaxwaynaha ahaa in uu yiri Muuse isagoo Cabduqaaasin xukuumaddiisa mucaaradsan.

Xukuumaddii Siyaad Barre Mingisaa Qabtay waana laga tummay.

Tii Caydiid Mingisaa qabtay waana laga tummay

Tan hadda hee Cabdiqaasim mingisaa haya waana laga tummaa.

Hadaba hadda oo uu Muuse yahay Xildhibaan Aqalka sare wali waxaa isaga ku qufullan arrimihiisii iyo qabqablayntii dagaal (waxaana hadda kusoo baxday maahmaahdii BAHALNA QEERIIN MA DAAYO NINNA CAADADI MA DAAYO, wuxuuna Muuse maanta sheegay in ay xukuumadda Farmaajo Puntland shan wasiir siisay.

Laakiin waxaad akhridaa

Beesha Majeerteen Oo 3 xubnood Ka Heshay 67-dii Xubnood ee Golaha Wasiirada DFS