Qaabka ay Doorashada China u dhacdo maxaa laga baran karaa (Qormo kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

china politacal system
Maanta waxa Soomaali ugu baahi badantahay waa Nidaam ku salaysan illaalinta dhulka iyo dadka Soomaalida, Soomaaliya waxay la burburtay waa nidaam daro iyo Kaligi talisnimo Jaahiliyad iyo damac kooxeed ku salaysan.

Waxaana habboon dhalinta hadda soo hana qaadaysa in ay si fiican baaritaan ugu sameeyaan Nidaamyada dunida ka jira oo kumanaanka sano markasta caqli cusub lagu soo kordhinayay.

Hadaba si kooban baan u eegaynaa qaabka ay Shcabka China madaxdooda u doortaan oo ah Qaab runtii Hoos kadhis kor u dhis, markii aan barbar dhigay Nidaamka reer Galbeedkana wali waxaa wanaagsan midka reer Galbeedka marka si fiican gudaha lowgu sii dhexgalo.

Marka hore shacabka Tuulooyinka iyo degmooyinka degan ayaa iska soo xula wakiilada Golayaasha deegaanka oo u kala baxa Gole Baarlamaan iyo Gole xukuumadeed ee heer Degmo, Wakiiladaas ayaa dhexdooda waxay iska doortaan wakiiladii Golayaasha degmooyinka u matali lahaa ama u fariisanlahaa Golaha dhexe ee heer Gobal oo iyaguna ka kooban Gole baarlamaan iyo Gole Xukuumad ee heer Gobal oo China waxaa ka jira Gole heer Gobal oo ah wakiladii Degmooyinka oo iska xula Gole Baarlamaan iyo Gole Xukuumadeed , dabadeedna wakiilada Golaha Gobalada ayaa iska xula Wakiilada ama Baarlmaanka iyo Xukuumadda ee Dawaldda dhexe iyagoo u kala baxa Gole Baarlamaan iyo Gole Xukuumadeed.

Golahaas Dawladda dhexe ayaa iska dhexdoorta Gole Sharci Dajin, Gole Xukuumad, Gole Garsoor, Gole isla Xisaabtan, Waxayna Doortaan Madaxwayne aan wax awooda lahayn balse ah Illaaliye Guud, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda, waxaana kale oo jira Gole kale oo shaqadiisu tahay la xisaabtanka Golayaasha Sharcidajinta, xukuumadda iyo Garsoorka oo Golayaashaas la xisaabtama si markaas ay xukunka ugu qaadaan ruuxii Nidaamka ku xad gudba.

Isku soo duub oo nidaamka China waa Hoos ka dhis kor u dhis midka ugu asalsan.

Qof aan marka hore xil kasoo qaban meesha ugu hoosaysa ee Golaha Deegaanka ee Tuulooyinka iyo Degmooyinka iskuma sharaxi karo Golaha wakiilada ee heer Gobol ama waxaa tartanka lagu kala reebaa heer Degma, marka waliba loo tartamayo Xildhibaan Gole heer Gobol waxaa kamid ah waxyaalaha lagu kala saaro tartamayaasha khibradiisa shaqo, markii uu ruuxu in muddo ah ka soo shaqaynayay Golayaasha Dedmooyinka iyo tuulooyinka ayuu markaas ka qaybqaadan karaa in uu u tartamo wakiil heer Gobal, ama heer Baarlamaan Gobol

Madaxwaynaha Dawladda China ayaa shaqada kasoo bilaabay heer tuulo, oo in uu soo galo Baarlamaanka dhexe waxay ku qaadatay 30 sano, halakaan ka daawo warbixintaas

Shaqooyinka dawladda ruuxa China ka qabanaya waa in uu ka midnoqdaa Xisbiga Communist Party of China (CPC) oo Qof aan Xisbiga xubin ka ahayn ma hawaysto in uu China wax shaqo dawladeed ah ka qabto, xisbigiina waatan oo waa in aad hoos ka soo bilowdo oo shaqada heer Degmo aad ka soo bilowdo

Maxaan hadaba u iri marka si fiican loosii dhex galo waxaa ka wanaagsan Nidaamka reer Galbeedka.
Reer Galbeedka shaqooyinka asalkaa ee hay’adaha waxaa fuliya Xoghayaaasha ama Agaasimayaasha , ee badanaa nidaam adag ayaa u yaal oo kooxaha siyaasadda Xisbiyada iyagu waa iska magac u yaal oo awood umalaha in ay magacabaab xogahayayaasha iyo agaasimayaasha oo hab xeer hay’adeed bay shaqada ugu tartamaan, laakiin China inkastoo aanan si fiican baaritaan ugu samayn laakiin maadaama ay shuuciyad yihiin amarka waxaa leh hogaamiyaha waana sababtaas sababta ay u doonayaan ruux khibradleh in ay hogaamiye ka dhigaan oo iyaga shaqadii Agaasimaha ee reer Galbeedka waxaa qabanaya Hogaamiyaha ama ruuxuu rabo ka dhiganaya Agaasime.

Halkaan ka akhri maqaalo arimahaas la xiriira.

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Madaxwayne Mansabkasta magacaabaya Ma dimoqraadiyad mise Diktaatooriyad (Maqaal xal u ah Nidaam darada Soomaalida)

Si kooban u diyaariye Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com