Qaabkii xilka looga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxay Guul u ahayd dhammaan shacabka Soomaaliyee (Qormo gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Caqabadda ugu wayn ee baryahaan Soomaalida mixnadda ku ah waa madaxda ay doortaan oo markii ay isku hubsadaan mansabkii loo doortay, markiiba u dhaqma sidii wax ay gooni u leeyihiin, waxaanan wali ka dhacin gayiga Soomaalida qaab lagula xisaabtamayo Madaxda sare.

Arrinkii Puntland xukunka looga qaaday Guduumiye siciid Xasan Shire waxay ahayd Guul u soo hoyatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxayna ahayd Fartiin ku socotay Madaxda Soomaalida meel ay jooggaanba illaa heer Fadaraal.

Bil xaqiiqiyan waxaa habboon in si gobanimo ah lowgu hambalyeeyo Xildhibaanada Puntland waliba sida cadaankaa ee aqlabiyadda ah ee ay isugu raaceen in ay Xilka kaga Qaadaan Gudoomiyahoodii.

WANKA GAWRAC DIBIGU HAKU QUUS QAATTEE.

Soomaalidu wax xal ah helimayaan sida ay hadda Madaxda ula dhaqmaan oo si aad u qaldan ah, waxaadna arkaysaa iyagoo kuba siganaya in ay caabudaan ruuxii shalay banaankiisa marayay ee ay shaqada u dhiibteen.

Soomaalida intooda badan waa baqaan ee ma xishiidaan, marka Madaxda haddaan lala ´xisaabtamin oo kii diida Xisaabtana Seefta lala raacin wax xushmada iyo qadarina shacabkaan u samayn mayaan, waxayna gaarayaan heer ay dadka ay magacaabayaan oo dhan ka dhigaan Qaar xigtadooda kuwa Seediyaashood, gabdhagooda nimanka qaba wax noocaasa.

Haddiise la hirgaliyo nidaam waxwalba shacabka ka imaanayaan, oo Madaxda sare kaliya ay Illaalinayaan Qaabka shacabku hawsha u fushadeen, fadlan akhri MAQAALKAAN ARRINKAAS BUU LA XIRIIRAA

Inkastoo uu runtii nin Qiima badan ahaa Mudane Siciid Xasan Shire hadana arrinka siduu U dhacay hadaad daawato wuxay ahayd si aan laab laab lahayn oo xildhibaan kasta uu magaciisa sheegayo halkaan ka daawo

DHANKA KALE DAD BADAN OO IN DHEERGARAD AH AYAA QABA IN QAAR BADAN OO XILDHIBAANADA HADA PUNTLAND JOOGA AY WAXWALBA KALA MUG WAYN YIHII XOOGGAA XAQUL JEEBBA TAAS OO DAD BADAN NIYADDA KA JABINAYSA WAAYO WAXAA EEDAAS LEH ISIMADA PUNTLAND IYO XUKUUMADAHA PUNTLAND OO AAN MARNA HIRGALIN NIDAAM SI DAACADA XILDHIBAADII ASALKA AHAA EE QADIYADA IYO DANTA GUUD WAXWALBA KA HORMARIN LAHAA LOWGU SOO XULILAHAA.

si kooban u diyaarite Ibrahin Sh Maxamed gablax gablax@yahoo.com
PUNTLANDOBSERVER DESK