Qoraal Aan P/O ku Daabacnay 5 sano Ka Hor Oo Maanta Xaqiiq Noqday ( Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Afartii sano ee Magaaladda laascaanood lahaystay Shirarkii iyo Siyaasadda beesha Dhulbahante iyagaa horboodayay)

Filed under: Important News,Wararka |

2013 waxaan ku daabacnay P/O qoraallo aad u tira badan oo aan ku cadaynaynay in Cali Khaliif uu u shaqeeyo dadyow shisheeye, isla markaana ay shaqada loo dirsaday ahayd in uu isku diro beelaha Harti.

 

Dad badan baa barigaas u arkayay qoraalkaas, in ay u jeedayadu ahayd been abuurad iyo qabyaalad, balse maanta waa cadahay in aan wixii runta ahaa ka hadlaynay.

 

Marka qoraalka si fiican u dhuux, sida aan u cabirnay in aynan marna Cali daacad ka ahayn in Laascaanood la xoreeyo ee uu shacabka marin habaabinayay, waayo qofka waa la akhrin karaa wuxuu damacsanyahay.

Qof kasta wuu sheegi  karaa hadalo beerlaxawsi laakiin waxaa la eeggaa qorshe siyaasadeedkiisa iyo ficiladiisa, haddii aad marka xooggaa caqliya leedahay waad akhrin kartaa, laakiin inta badan Soomaalu ma akhrin karaan siyaasiga khaa-inkaa.

Ama Soomaalidu ma kala saari karaan siyaasiga marin habbaabinta wada iyo siyaasiga daacaddaa..

Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac iyo Waxgaradka Beesha bah hararsame hadaynan Soomaaliland hoosta wax iskala ogayn maxay wiilashoodda uga dhaadhicin waayeen Fikirka sidii Laascaanood loo xoraynlahaa

Akhri Siduu Garaad Saleemaan U Fahansanaa 4 sano ka hor Hadafka Dilaal Galaydh (Waraysi aan Xilli Hore Ku daabacnay P/O iyo Qormooyin Fara badan laba Wajiilayntii Galaydh)

One Response to Qoraal Aan P/O ku Daabacnay 5 sano Ka Hor Oo Maanta Xaqiiq Noqday ( Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Afartii sano ee Magaaladda laascaanood lahaystay Shirarkii iyo Siyaasadda beesha Dhulbahante iyagaa horboodayay)