Qormadii Sadexaad: Cadayn In Ay Adagtahay Gooni-isutaagga Somaliland, Aqoonsiga Somaliland In Uu Mira Dhalo

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Soomaalidu waxay tiraahdaa walaalkaa u hiilli haddii laga gardaranyahay iyo haddii uu gardarayahay labadaba, oo dabcan Soomaali waa ay u hiillin lahayd haddii reer Sh Isxaaq qolooyin ka gardaran dulmin lahaayeen, laakiin hadda maadaama ay siyaasiyiinta reer sh Isxaaq, ee wata fikirka gooni isutaagga waa in loo hiiliyo, oo runta loo sheego, in uunan fikirkaas gooni isutaagga mira-dhalayn.

Hadaba P/O baan ku daabacnay 2016 qoraal aan ku cadaynayno in uu uunan fikirkaas mira-dhalayn (Halkaan ka eeg–Cadayn Fikirka Gooni Isutaagga Soomaaliland in Uu Qaldanyahay)

Hadana sanad ka dib 2017, ayaan hadana qoraal kale ku daabacnay P/O in uunan fikirka gooni isutaagga ee Somalialand uunan ahayn fikir saxsan (halkaan ka eeg –>Cadayn In Uunan Suurtagalayn Gooni Isu-taagga Somaliland Iyo Kala duwanaashaha Jabuuti iyo Somaliland(Qormo-gaaba)

Hadda oo ay tahay 2018, waxaan mar sadexaad P/O ku daabacaynaa qoraal sadexaad —> (Qormadii Sadexaad: Cadayn In Ay Adagtahay Gooni-isutaagga Somaliland, Aqoonsiga Somaliland In Uu Mira Dhalo).

Qoraankaan waxaan dul istaagaynaa, Beesha Reer Sh Isxaaq Soomaali dhexdeed ma ku dulmanyihiin?, oo markaas xaq ma u leeyihiin in siyaasadooda loo madaxbaneeyo.

Soomaalidu waxaynan ogayn in aduunka ay nagula nool yihiin malaayiin qowmiyadood iyo 191 dal, oo dalka Rebublic of Congo waxaa ku nool 200 oo qowmiyadood halkaan ka eeg.
Waxaynan Soomaalidu ogayn in aduunku ku heshiiyay in sharuudo adag lagu xiro dalka la aqoonsanyo, maadaama ay dal walba ku nool yihiin qoqmiyado kala diina oo kala dhaqana oo kala luuqada, oo waliba aad isku dulmiya, oo haddii la yiraahdo qoladii soo qaylisaba hala aqoon sado, waxay noqonaysaa jaantaa ragan iyo in qowmiyad kasta tiraahdo gooni hanaloo aqoonsado.

Marka shuruudaha lagu xiray waxaa ugu xajmi wayn in qolada la aqoonsanyo ay keennaan wax xaqiiqa, gaar ahaan in la dulmay, iyadoo waliba lagu dulmay, diin, Jinsi, aragti arrima noocaasa.

Hadaba Soomaaliya marka la joogo, waxaan ognahay in beesha Gabooye aad loo dulmay, oo waliba si xad dhaafa loo dulmay oo la yiri yaan laga guursan iyadoo la quursanyo, inkastoo hadana ay Soomaalidu xushmeeyaan beesha Gabooye, sidoo kale beelaha Jareer wayn waxaad mooddaa in iyana ay ku jiraan beelaha la dulmay oo ay xuquuq fara badan ka maqantahay.

Hase yeeshee Beesha REER SH ISXAAQ waaba beesha qadarinta 1aad la siiyo marka ay laga hadlaayo dhaqanka Soomaalida, oo waxaadba mooddaa in ay Beesha reer sh Isxaaq iyagu dulmaan oo iskala wayn yihiin beelo badan oo Soomaalida ka mida.

Marka ku dheeraan maayo, laakiin illaa hadda ma jiraan hal shay oo cadaynaya in ay beesha Reer Sh Isxaaq Soomaali dhexdeeda ku dulmanyihiin hadday siyaasad noqon lahayd, iyo hadday dhaqan noqon lahayd, taasi oo aad daciif uga dhigaysa in aduunka laga dhaadhiciyo in la aqoonsado Somaliland, maadaama aduunku ka warhayo ficiltanka ka dhexeeya beelaha Soomaalida.

Hadiiba dulmi laga hadlayo, beesha reer sh isxaaq amaaba iyaga dulmi farabadan loo raacan doonaa, dulmigaas oo ay siyaasiyiinta beesha reer sh isxaaq sameeyeen wixii ka danbeeyay 1990, hadday noqon lahayd hor istaagidii qaran soomaaliyeed, ama beelaha hartiga iyo gudabiirsiga oo deegaanadooda xoog lagu qabsaday.

Xalka.
Soomaali waxaa la rabaa in ay illaahay saacad kasta uga xamdi naqaan nimcada uu illaahay sida goonidaa Soomaali u siiyay.
Bal Ardisababa gaari kasoo raac oo Jigjiga usoo raac, waxaad soo koraysaa Buur dheer oo ka wayn buurta shiikh, waxaad buurtaas soo saarnaanaysaa 800 km, buurtaas waxaa degan oromada, marka gaariga ku wada uu buurta kasoo dego, oo aad dhul siman usoo degto, waxaad arkaysaa nin dheer oo Soomaaliya, iyo daarihii Soomaalida ee nashqada goonidaa lahaa, iyo dhulkii sinaa ee Soomaalida illaahay dajiyay.
Biyaha wabiyada shabeele iyo Jubba waa biyaha Buurtaas kasoo daata, Oramada Buurtaas degan ma manaafacsadaan biyahaas ee waxaa manaafacaadsada Soomaalida, waxaana kaba sii daran buuro dushood bay ku nool yihiin.
Dhulkaas siman ee Soomaalida illaahay dajiyay waxaa u dheer badda dhererkeedu yahay 3300 km.
Soomaalidu waa in ay ogaadaan in badaan iyo dhulkaan illaahay samaystay, oo illaahay leeyahay, hadana bini aadan nashqadda iyo suuradda quruxda badan illaahay ka sameeyay oo illaahay leeyahay, aduunkuna yahay halka bini aadam lagu imtixaamo balse abaal marintu ay aakhiro tahay.
Haddiise waxaas oo nimco ah, oo ay ugu horayso mida muslinimada, ay Soomaali garan waayaan oo ku fasahaadaan oo is dulmiyaan, illaahay dulmiga ma jecla, waxaana hallis ah in Soomaali la imtixaamo, haddii ay nimcada rabi ku shukrin waayaan, hadana is dulmiyaan.

Marka qolada aaminsan fikirka gooni isutaagga waxaad mooddaa in ay iyana waqti iska dhuminayaan, Soomaalidaas masaakiintaa ee dunida ku dacdaraysana waqtigii ka dhuminyaan.

Maanta waxaa horumar laga gaaray hanaanka maamul daadajinta, oo haddii ay Soomaali ku heshiiyaan hanaanka Dawlada federaalka, waxaa ay dawlad gobaleedk kasta helilahayd in ay maamulato deegaanadeeda 80% oo u madax banaanaato.

Siyaasiyiinta Somaliland waxay maanta haystaan fursad dahabiya oo ay hormuud uga noqdaan in ay maamulaan siyaasadda Soomaaliya, isla markaana dure u noqdaan sidii qaran Soomaaliyeed dib lowgu aasaasi lahaa.

Runtiina door libaax bay kasoo qaateen Soomalida waqooyi galbeed halgankii lagu goobayay qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, af iyo adinba.

Ugu danbayn illaahay inoo barya in Soomaali qalbigeeda isku furo, oo xaqa tuso.

jubba shabeele
Puntlandobserver desk