Shirka Jubbooyinka ee addiss waa wadiiqadii ama Soomaali wadadda saxsan ku fuuli lahayd ama dib Qalalaasihii ugu noqon lahayd (Akhri warbixinta)

Filed under: Wararka |

Dadka Soomaalidda oo illaahay siiyay dhul Qaniya dadka dhulka kunoolna uu aad uga badanyahay ayaan 30-kii sano ee u danbeeyay nasiib u helin Hogaan wadadda saxdaa saara si ay dadkoodda nolol iyo horumar ugu horseedaan.

Soomaalida ayaa ah beel kamidda beelaha Qowmiyadda Kushitigga, beelaha ay Soomaalidu wada dhasheen ayaa waxaa kamidda beesha Oramadda ee Ethiopia degan oo ay isla yihiin Qowmiyadda Kushitigga.

Halkaan ka eeg maqaal Puntlandobserver hadda kahor kadiyaarisay arinkaas.

Hadaan usoo noqdo Cinwaanka maqaalkan ee shirka Jubbooyinka waa bar siyaasadeed oo muhimma.

Shirkan oo lagu dhexdhexaadinayo sidii ay Df iyo Maamulka Jubbooyinka u wada shaqayn lahaayeen, ayaa shalay waxaa kasoo baxay Qodobo aad u mihiima oo aad moodid qodobo xal keeni kara hadii Soomaaliddu kalsooni siiyaan ama ay sidaas ku taageeraan, laakiin waxaad moodaa in durba Qolana soo dhawaysay Qolana ay durba bilaabeen in ay mucaaradaan qodabadaas lagu heshiiyay.

Yay faa iido u tahay in laheshiiyo.
Soomaalidu inkasta oo ay hal beelyihiin hadana waxaan la inkiri karin in Beeshii sixun oo arxan dara ah isku laayeen, isku barakiciyeen, isku dhaceen, 24 sano kadib hadda waxaad moodaa in is aaminaadii sii yaraanayso isla markaana ay beel walba deegaanadeedii xaar xaaratay.

Iyadoo uu xaal halkaas marayo, ayaa beesha Muqdisho waxaa ay ku doodaysaa, Muqdisho waa Caasimadii dalka, hadana Muqdisho annogoo hal beel ah ayaa daganaanayna.

Runtiina Xamar ayaan dhihi karnaa waa halka ugu wayn ee hortaagan in Soomaaliya dib la-isugu soo cesho maadaama aynan jirin kalsooni Beelohoo dhan lagaga gadi karo xamar baa idiin Caasumadda.

Hadana kadaroo dibi dhal Beeshii Xamar waxay Yiraahdeen Madaxwaynihii hadaan nala siin Soomaali sidaasay kujiraysaa oo waligeed kabixayso dhibka.
Halkaan ka eeg sidda Beelaha soomaaliyeed dhulka Soomaalidda u kala dagaan.
Somali tribes

Sawirkaan waa sidda dhabtaa ee Deegaanadda Soomaalidu dhulka Soomaalidda u kala degaan inkastoo aan aad loomuujin beelaha yar yar sidda Jareerwayn oo kale ama Madhibaan.

Beesha Daarood oo ah Beesha sidda goonidaa looga barakiciyay Magaaladda Muqdisho 1991 iyadoo loo misleeyay in uu Siyaad Barre kadhashay Beesha isla markaana markaad eegtid maabka Soomaalidu ay beeshu tahay Beesha ugu deegaan balaaran Beelaha Soomaalidda, ayaa waxay aqbaleen in Caasimadii saas kusii ahaato Muqdisho oo waa hore laga barakiciyay, Madaxwayna Xassan markii ladoortayna aad ugu farxay oo waliba taageero mugwayn siiyay.

Laakiin kadar oo dibi dhal waxay noqotay markii Madaxwayne Xassan uu talo keen kadhigtay Koox Qaswadayaala oo xaaraan kunaaxa, oo aan rabin in Soomaali dawlad kadhalto waayo waxay xoog ku haystaan dhamaan Hantidii Soomaaliyeed, Magacii, Waxwalba oo awal Soomaali ka dhexeeyay bay hadda sigooniya u isticmaalaan.

Kooxdan talakeenka u ah Madaxwaynaha ayaa markiiba Madaxwaynaha ku qalqaaliyay in Beesha Daarood ay Cadawyihiin sidaas la ajligeedna Hangool lagu qabto, sidaa la ajligeed waa in hadda loo isticmaalo Qaybi oo xukun oo la iska horkeeno, waa in aan marna layeelin Maamulka Jubbooyinka oo ay hormuud kayihiin Beesha Daarood, waa in lasoo ceshaa Irirsim oo beesha Isaaq lagu taageeraa in ay la go aan qayb kamidda Beesha Daarood si Beesha daarood loo kala qaybsho awoodoodda.

Dhanka kalena waxaa jira Kooxo isku qariya Magaca Internatiol Commuinty oo aan saas u badnayn laakiin aaminsan in Beesha Daarood oo lagumeeyaa ay muhiimtahay, marka labadaan qolo wada shaqayn mug wayn baa ka dhexeeya.

Madaxwaynaha in uu Fikirkaas ku dhiiraday waxay ahayd marag madoonto, wuxuuna markiiba raysal wasaare u magacaabay Horgale Saacid oo katirsanaa walaalaha galgaduud oo hadda kahor Kismaayo xoog kula wareegay isla markaana qaba gabar xildhibaanada oo aad u firfircoon oo kasoo jeedda Beesha habargidir, dhanka kalena waxaa lasheegayaa in uu Saacid kusoo dhexkoray Beesha Cayr.

Dhanka kale ayuu Madaxwayne Xassan wuxuu durba aad u taageeray Siyaasad Qaabaysan oo uu doonayo in qaab shaabadda Madaxwaynaha oo siyaasadaysan lagu aqoonsanayo Soomaaliland oo ku doodaysa waxaa la go aynaa qayb kamidda Beesha Daarood oo aan ogalayn gooni isutaaga Soomaaliland.

Isku daygaas Madaxwaynaha iyo kooxdiisii talakeen ayaan waxba kasuuroobin waayo xiligaan waa xili casriya ma ahan xiliyadii la isqaldi jiray, ma ahan xiliyadii dadka ay BBC oo kaliya wax u sheegi jirtay, waa xili umadii indha furanyihiin waxaana ay Guushu raacaysaa Hogaankii ku shaqeeya Dastuurkii lagu heshiiyay, hogaankii si cadaaladda oo saxa wax ugu qaybiya umadda Soomaaliyeed.

Geesiyaashii ay isku beesha hoose ahaayeen ee arinka Madaxwaynaha durba ka dhiidhiyay waxaa kamidda Proff Togane.
Halkaana ka dhagayso wixii uu kayiri Raysal wasaare Proff Geedi.

Halkaana ka dhagayso wixii uu Dr Baadiyow kayiri:Dr Baadiyow.
Dhamaan Ragaan waa ragga ay Madaxwaynaha jilibka hoose islayihiin, hadanna arki kara istiraajiyad fog oo ka muhiimsan qabyaalad iyo waxnoocaasa.

Isku ´Soo duub Qodabadii shirka Addis waxaan dhihi karnaa waa Bosishin wanaagsan oo uu Madaxwaynuhu ku garawsaday in Taladii Qaswadayaasha ay ahayd talo aan soconayn oo fashilla sidda kaliya ee dalkaan lagu horumarinkaraana ay tahay in si saxa wax loo qaybsad, in la isku tanaasulo, oo waliba haday xataa cidi tanaasulayso ay Beesha Xamar tanaasushaa oo cafis waydiistaan Beelihii ay ka hor istaageen in Soomaali qaranimadeedii dib ula soo noqotaa Maadaama ay Caasimadii Soomaalidda isbaaro awal dhigteen.

Ogaadana Caasimadu waa madaxii Soomaaliyeed, oo hadaan qofka Madaxa laga dawayn Waligiis dawo loo heli mayo, marka Qofka bini aadamkaa haday lug ka go’do wali waa caadi oo waa shaqaynayaa, laakiin hadii uu Madaxa ka xanuunsado ogow waa u dhamaatay waana sababta loo yiraahdo Magaalo Madaxda –> Caasimadda.

Markaas sow lama dhihi karo Beesha Xamar Madaxii Soomaaliyeed iyagaa dusha kaga fariistay 24-kii sano ee lasoo dhaafay, oo taasina ay Sababtay in Soomaaloo dhan meel lagaga fadhiyo ay garan kari waayeen.

Marka Shirkan hadda waa noqon karaa Bilowgii wadadii saxda ahayd oo soomaali laqaadsiin lahaa.

Puntlandobserver desktop