Talooyinkii Aan P/O Ku Daabici Jirnay ee In Lasameeyo Dawlad Gobaleed SSC, Waa La Diiday Maxaa Hadda Colaad Iyo Wiilal Soomaaliyeed Billaa Micne Lagu Laayo Ay Soo Kordhinayaan (Qoraal Muhiima iyo Talo KU Socota Colaadda Tukaraq)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxaan marar aad u farabadan ku daabacnay P/O nimcooyinka faraha badan ee Illaahay Soomaali sida goonidaa u siiyay, balse halkii la rabay in ay Soomaali ku shukriyaan ayay waxay sameeyeen dulmi iyo kibir.
Eeg nimcooyinka illaahay Soomaali ku manaystay.
1) Illaahay wuxuu siiyay Soomaali, diinta islaamka, oo hadda markii diimaha aduunka ka jira oo dhan la baaray waxaa xaqiiqa waa kutubkii ugu danbeeyay kutubadii illaahay umadiisa usoo diri jiray marwalba, waa nin nasiibleh ninka qalbiga wanaagsan illaahay ugu daro, waayo koomkan illaahay baa abuurtay oo leh, kitaabka quraankana waa hadaladii eebe.
2) Illaahay Soomaali wuxuu Siiyay, laba badood, dhul baaxad wayn oo aduunka ugu cimilo wanaagsan oo aad sanadkoo dhan hal qayd ku noolaan karto, 2000 km oo wabi ah, 3200 km xeeb, goob istaraatiji ah, macdan aad u farabadan, dhul beero iyo daaqsin ku wanaagsan, dad isku eg, isku luuqad, isku diin, hal qawmiyad ah, halkaan ka eeg qoraalka nimcooyinka illaahay Soomaali siiyay.
3) Dalka China waxaa jira 10 magaalo oo china kuyaal oo ay magaalo kasta ku nool yihiin dad ka badan Soomaali oo dhan, dadkaas illaahay baa abuurtay, illaahayna wuxuu siiyay halkaas magaalo, halka Soomaali oo aan ka badnayn dadka magaaladaas ku nool uu dhulka intaas le’eg siiyay halkaan ka eeg
4) Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa mar uu iibiniyay fikirka gooni-isutaagga Somaliland, wuxuu tagay jaamac ku taal sweden, wuxuu sharaxay sababta Somaliland ay soomaalida kale uga go’ayso, oo uu bundhig uga dhigay “Waxaan doonaynaa in aan cadaalad iyo dimoqraadiyad shacabka Somaliland u samayno, maadaama Koonfur cadaalad diiday”
Waxaa lagu yiri taasi macquul ma ahan oo haddii uu isweden boqorka xukuma cadaalad daro sameeyo, waa in lahelo dad ka dhiidhiya oo is bahaysta oo shacabka Sweden cadaalad u horseeda ee ma ahan in dalkii caqabad kale iyo qoqobnaan loo horseedo.

Marka arrinkaas laga gudbo, waxaan P/O marar badan ku cadaynay, in ay aad u adagtahay in aduunku aqbalo fikirka gooni -isutaagga ee ay Itoobbiya oo dhagaysanaysa fikirkii XX ay markaas ka dhaadhicisay siyaasiyiiinta Soomaaliland, halkaan ka eeg qoraaldaas

-Waxa ugu xun aduunka waa madax adayg iyo ismaqal la’aan ama qofka hal meel isaga dhago, waxayna ahayd qolooyinka aaminsan fikirka gooni-isutaagga in ay ku cibraqaataan mudadaas dheer ee 28-ka sano ah.

Qofka bini aadamkaa aduunka wuxuu ku leeyahay 2 mitir oo qabrigiisa ah, dhulkaana illaahay baa iska leh, bini aadamkuna waxay ku noolaanayaan 70-ka sano ee lagu imtixaamayo, oo kii imtixaanka ku baasa ayaa jano illaahay ku abaal marinayaa.
Haddii uu bini aadam awood leeyahay bal dhagax, ama ciid, ama caleen ama biyo hasameeyo, ama ruux naftu ka dhacday naf ha u soo celiyo.

Isku soo duub.
Waxaan marar badan kusoo jeedinay P/O in gobalada ssc loo sameeyo dawlad gobaleed hoos tagta dawladda federaalka, xitaa haddii loo baahdo dib haloo nashqadeeyo federaalka gobalo aan xitaa isku qabiil ahayn ha la is raaciyo, taasi oo sii adkaynaysa midnimada Soomaalida.

Waxaa ay aad ugu qaldanyihiin siyaasiyiinta aaminsan fikirka gooni isutaagga in ay ka cararaan walaalahood ay Soomaali iyo muslim isla yihiin.

Xitaa haddii ay ka cararayanaan hadana in la jajuubo deegaano ay beelaha dega doonayaan in ay Soomaali kasii mid noqdaan.

Isku soo duub.
Dhulku Soomaali aad buu uga badan yahay.
Dadku waa isku luuqad waana isku diin.

Faysal Cali Waraabe iyo Muuse biixi waxay ku doodaan, Ingiriis baa kala qaybshay Soomaali oo 5 u qaybshay.
Laakiin waxay is halmaan siinayaan in taasi ay ka danbaysay Soomaali oo calanka Buluuggaa ku midowday, arrinkaas hore waa tirtirmay, oo waxay ka dhigantahay naag la guursaday oo la furay oo ninkale guursaday, ninkii furay hadana bari baan qabi jiray naagtaas ma soconayso aduunkuna waa ka warhayaa, oo haddii hadhow dood caalamiya la isla aado waa lagaaga garyeelanayaa.

Iyadoo aan ognahay arrimahaas oo idil, maxaan wiilasha yaryarkaa ee Soomaalidaa isugu laynaynaa, gaar ahaan madaxda xilalka haya sida Muusa Biixi iyo Gaas oo hadaba iskaba da’ah, waxaa sugaysa su’aalihii aakhiro.

Markaan arrinkaas dhan walba ka eegay.
Soomaali waxay ku dhaanto dawlad federaala oo si fiican lawgu xisaabtamay ma jirto.
Waxaan kaloo u jeedaa in gobalada ssc loo sameeyo dawlad gobaleed u gooniya oo federaalka hoos tagta, ama xitaa federaalka qudhiisa dib u nashaqadayn halagu sameeyo.

Arrinkaas hadda waxaa hortaagan siyaasiyiinta aaminsan fikirka gooni isutaagga, iyagana waxaan kula talinaynaa walaalayaal fadlan xushmeeya walaalihiin Soomaaliyeed oo illaahay isku meel idinku wada beeray oo isku diin idinka dhigay, oo isku af idinka dhigay, oo aynan dhexdiina cidi idiin tarjumayn, oo idin jecel, oo illaahay dhul qaniya ku beeray.

Fursadaas adoo haysta maxaad u caraysaa.
Waxaa kasii daran waxaan meesha ka marnayn qabyaalad, oo beelaha dega Gobalada ssc iyo Puntland waa isku beel, waxayna u arkaan ninka leh Somaliland baan la go’aynaa nin kala goynaya beelahaas wada dhashay marka Soomaali laga soo tago, waana ay ka dagaalamayaan, oo xitaa marka Soomaali laga soo tago waxay oron doonaan tola’ay yaa Daarooda.

Arrinkaas markaan dhan walba ka eegnay Soomaali waxay walaaltinimo iyo federaal kaga wanaagsantahay ma jirto.

Ee yaan la isku layn wiilasha yar yar ee la rabay in maanta jaamacadana loo diro, shaqana loo abuuro.
Yaan Soomaalidaas is jecel cadaawad loo samayn.

Illaahayna aan u toobad keenno oo barino, oo cafis waydiisano.

Puntlandobserver desk

3 Responses to Talooyinkii Aan P/O Ku Daabici Jirnay ee In Lasameeyo Dawlad Gobaleed SSC, Waa La Diiday Maxaa Hadda Colaad Iyo Wiilal Soomaaliyeed Billaa Micne Lagu Laayo Ay Soo Kordhinayaan (Qoraal Muhiima iyo Talo KU Socota Colaadda Tukaraq)