Xalaalmaale [Jawaabta maqaalka “Gardarro Ma Guulaysato”]

Filed under: Important News,Wararka |

Xalaalmaale

[Jawaabta maqaalka “Gardarro Ma Guulaysato”]

Waa niman xamdiya oo xaqii Eebbe dhab u kala saara

Waa niman aan xumaan iyo aqoon, reero xaalufiye

Waa niman xaqii iyo yaqaan, reerka xididkaaye

Waa niman Xaakinkii Ilaahay, xeerka uu baraye.

Waa niman xaquuq kale aan rabin tooda un mooyaane,

Waa niman xigaalkiyo yaqaan, talada xeerkeede

Waa niman xafiisyada fadhiya, xarafna uu dhaafin

Waa niman xadkii dhaafin, xeel kastoo timide

Waa niman xaqdiyo aan lahayn, hadal xanuun badane

Waa niman xushmadu ay ka tahay, hadal xusuus dheere.

Waa niman xannaaneeya, xaqu siduu sheegey

Waa niman xan iyo aan aqoon ximi walaalkaaye

Waa niman xaq iyo baadilkaba, xaq u kala sooca,

Waa niman xirfado dheeraad ah u leh, xeerintii dariska,

Waa niman xushmad kuu hayoo, waliba kugu xeerin.

Sacdiya

Gardarro Ma Guulaysato

One Response to Xalaalmaale [Jawaabta maqaalka “Gardarro Ma Guulaysato”]

  1. Pingback: Xalaalmaale [Jawaabta maqaalka “Gardarro Ma Guulaysato”] - Daily Somalia Report