Caqabadaha xukuumadda Madaxwayne Gaas kaga Iman Kara Go’aanka Isimada Puntland Ay 4-ta Xildhibaan Ugu Dareen Beesha Tanade

Filed under: Important News,Wararka |

justice

Afeef: Qoraalkan waa mid wax lagu saxayo ee ma ahan mid loola danleeyahay magacyada beelaha ama madaxda ee qoraalkan ku jiri doona, gaar ahaan beesha Leelkase waa beesha aan ugu qadarrin badanahay .

Aduunku wuxuu horumar ku gaarray waa cadaalad iyo nidaam, xitaa waxaa la rabaa caruurta aad dhashay in aad u cadaalad fasho oo midkasta xaqiisa siiso.

laba arrimood baa ugu wanaagsan tilaabo kasta oo aad qaadaysid.
1) Runta ku dhaqan, masuuliyadda aad haysid run ku maamul, warbixinta aad sheegaysid run ku sheeg, oo waxna ha ku kordhin oo ha buunbuunin,waxna haka dhimmin oo qaybtaadan jeclayn ha ka taggin.
2) Cadaalad ku maamul maamulka aad haysid, iyo ficilooyinka aad samaynaysid xitaa.

Hadaba runtii xukuumadda Madaxwayne Gaas arrinka xildhbaanada la kordhinayo ayaa ku noqon doonta fashilkii ugu ballaarnaa ee soo wajaha, waayo marna shacabka Prof Gaas kama fillanayn in uu horboodo hanaanka dawladeed ee ku dhisan hanaankii dawladeed ee Qarnigii 16aad ee hanaanka beelaysiga wax lagu qaybsan jirray.

Hadaba Isimada Puntland iyagu wax eeda kuma laha oo waxay af yaqaanaan hanaankii qarnigii 16aad iyo beelaysi in wax lagu qaybsado, oo ma yaqaanaan in dadka id-card loo sameeyo oo la diinwaangalliyo oo la tira-koobo, laakiin Prof Gaas iyo 60-ka wasiir ayay ahayd in ay dadka indho u noqdaan oo u horseedaan sidii ay hanaanka casrigaa iyo is diiwaan gallin u hirgallinlahaayeen, kharashka ku baxaana runtii kama bateen hal million$.

Waxaan arkaynay in xildhibaanadu qaateen min 28000$ oo laaluusha wiigii hore, taasi oo ka dhigan lacag 2 million$ ku dhaw, waxayna ahayd in lacagtaas diiwaangallinta lagu sameeyo, waa haddii la rabo hanaan dawladeed iyo mustaqbal, eedana waxaa leh inteeda badan shacabka oo shacabkaan ayaa ah shacab xumaan ku midoobay illaahayna waa ku imtixaamayaa oo hadday shacab daacada yihiin sidaas looma imtixaameen in iyaga oo arkaya ay xildhibaanadu hortooda malaayiin dollar oo baada ku qaataan, haday shacab wanaagsan yihiin waxay qaadan lahaayeen talooyinkii aan P/O ugu qornay 2013 ee ahaa Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa–Akhri

Isku soo duub, Xildhibaan waa wakiil matala ugu yaraan dad tiradoodu gaarayso 40 kun oo qof, ee ma ahan wax uu oday dhaqameed qof haddiyad u siin karo ama madaxwayne hadiyad usiin karro, gaar ahaan marka wax lagu wada dhistay wadatashi ee aynan qolo qolo kale xoog ku qabsan.

Beesha Tanade deegaan ahaan iyo tiro ahaan kama badna beesha Cumar Maxamuud, ama Cismaan Maxamuud, hoos ka eeg maapka degmooyinka Puntland oo beesha tiradeeda waxaa lagu gartaa deegaanka ay xoolahoodu daaqaan baaxadiisa.

Somali_tribes_districts
Tusaale Beesha Cismaan Maxamuud waxay xildhibaanada Puntland ku leeyihiin 3 xildhibaan, waana iska xaal mastuur ee la isma tira koobin.
Beesha Leelkase ayaa xildhibaanada Puntland ku leh 3 Xildhibaan.
Haddii si daacada la isku tirakoobo, qofkasta waa garan karaa cidda badanaysa beesha Cumar Maxamuud iyo Beesha Tanade Daarood.
Waxaana laga hadlayaa in si daacada umaddii wax isku darsatay wax lowgu qaybsho.

Dhanka kale waxaa jira beelo farabadan oo aan Puntland hal xildhbaan ku lahayn sida beelaha Dir -degmada Tawfiiq oo Puntland ka tirsan iyagoo aan hal xildhibaan ku lahayn Puntland markay maqlaan beesha tanade oo horay 3 xildhibaan u haystay baa hadana 4 xildhibaan lowgu daray.

Beesha Mareexaan degmada Saaxo, xildhibaan kuma leh Puntland.
Beesha Shiikhaal – hal Xildhibaan kuma lehn Puntland.
Beelaha madhibaan iyo tumaal hal xildhibaan kuma laha.

Isku soo duub, tilaabadan ku saabsan xildhibaan hab beeleed loo kordhinayo 2017 waa tilaabadii ugu qaldanayd ee xukuumadda Gaas ay ku dhiiradeen, waxayna dad badan is waydiinayaan arrimahaas aadka u fudud sida ay u garan waayeen xukuumadaas ka kooban 67-da wasiir.

Qoraalka hoose akhri wuxuu ka hadlayaa arrin xaqiiqa.
Akhri Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban)

Si kastaba ha ahaato waxaa quman in baarlamaanku diidaan qorshaha ay isimadu soo jeediyeen oo ah go’aan aan cadaalad ahayn, wax kasta oo aan cadaalad ku dhisnayn lama qaato, kaliya wax walba waxaa laga eeggaa cadaaladda, marka marba haddii qodobku cadaalad darro daaranyahay lama yeello.

Hanaanka Siyaasadeed Ee Dawladuha Aduunku U Qoondeeyaan Cadadda Dad ee Xildhibaanka Golaha Deegaanka (Dhegeyso Ibrahin Gablax Oo Sharaxaya)

 

 

Tusaale: waagii hore aduunka kama jirrin qalabka kombiyuutarka ee casrigaa ee kuu fududaynaya adeegyada casrigaa sida dadka oo la diinwaangaliyo oo kaar aqoonsi loo sameeyo.
Laakiin qabiilku wuxuu ahaa hanaankii shacabka lagu aqoonsan jirray qarnigii 16aad, oo qofka si loo garto ayaa la waydiinayaa qabiilkiisa, dabadeedna sidaas ayuu qofkii ku diinwaan gashanyahay, isla markaasna aqoonsi ku leeyahay ama waxa hadda loo yaqaan id-card, isla markaana waxaa wax lagu qaybsan jirray hanaankaas qabiil.

 

Puntlanobserver-desk

7 Responses to Caqabadaha xukuumadda Madaxwayne Gaas kaga Iman Kara Go’aanka Isimada Puntland Ay 4-ta Xildhibaan Ugu Dareen Beesha Tanade