Finland: Doorashooyinkii Degmooyinka Finland Oo Ay Soomaali Badan Ka Midnoqdeen Xildhibaanada Degmooyinka Akhri Magacyada Xildhibaanada Soomaalidaa ee Guullaystay

Filed under: Important News,Wararka |

Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee Finland ayaa waxaa ka mid noqday Soomaali badan.

Helsinki

Helsinki waxaa markii ugu horaysay xildhibaan Golayaasha deegaanka ka mid noqday wiil Soomaaliya oo magaciisa la yiraahdo Abdirahim Mohamed Husu, wuxuu ka tirsantahay Xisbiga SDP wuxuuna hellay 5581 cod tiro ka baddan Soomaalida Codaynkarta ee Helsinki ku nool taasi oo ka dhigan in ay Ajaanib iyo Finlandes labaduba u coddeeyeen.

Dhanka kalena Gurhan Deek ayaa hellay 2126 cod, balse noqday xubnaha kaydka ee aan ka mid noqon 85 Xildhibaan waayo  waxaa ka midnoqonayay 85-ta xildhbaan ee ugu codka bata waxaana ugu cod yaraa vuorjoki Anna oo heshay 3600 oo cod, halka Gurxan uu hellay 2126 cod.

Abib Mukhtar ayaa isna hellay 2181 cod, abib ayaa ka tirsan xsbiga Kokumus, wuxuuna ka midnoqday xildhibaanada kayda.

Waxaa kaloo jira Soomaali kale oo baddan oo iyana aan hellin codod biixiyay tiradii xildhibaanimo.

Helsinki waxaa ku nool 600 oo kun oo ruux, xildhibaanada Golaha deegaanku waa 85 kursi haddii 600000/85 loo qaybsho halkii kursi ama xildhibaan wuxuu wakiil ka yahay 7 kun oo ruux.

 

Halkaan ka eeg xubnaha ka mid noqday Golayaasha deegaanka Helsinki

Dhanka kalena Degmada Espoo waxaa ka midnoqday Golayaasha deegaanka wiil iyo Gabadh Soomaaliya halka uu wiilkalena helay cod aan buuxin xubinimada.

Ali Abdirahman oo Soomaalidu u taqaan jiimy ayaa degmada Espoo wuxuu ka hellay 3138 cod, wuxuuna Cali ka tirsanyahay xisbiga SDP, waana markii labbaad ee uu ka midnoqdo golaha deegaanka espoo.

Habiba Ali ayaa heshay codod gaaraya 1743 waxayna ka mid noqotay xildhibaanada Golayaasha deegaanka Espoo waana markii ugu horaysay ee ay Habiba ka mid noqoto Golayasha deegaanka ee Espoo, habiba ayaa ka tirsan xisbiga SDP.

Xildhibaanada Golayaasha deegaanka espoo ayaa ka kooban 78 kursi, degmada Espoo ayaa waxaa ku nool 254 kun oo qof taasi oo ka dhigan in uu halkii xildhibaan uu wakiiil ka yahay 3256 ruux, inkatoo aynan dadkoo dhan codayn karrin.

Dhanka kalena Mohamed Abdirashiid oo isna ka tartamayay degmada Espoo ayaa helhay 871 cod, wuxuuna ka midnoqday xubnaha Kaydka

Halkaan ka akhri warbixinta oo dhamaystiran espoo

 

Degmada Vantaa ayaa waxaa ka tartamay laba wiil oo Soomaali ah oo ka mid noqday xildhibaanada Golaha deegaanka ee Vantaa oo tiro ahaan ah 67 kursi.

Degmada Vantaa waxaa ku nool 204157 ruux, taasi oo ka dhigan in halkii xildhibaan uu wakiil ka yahay 3584 qof.

 

Abdi faysal ayaa hellay 3193 cod, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga SDP

Ibrahim Aadan ayaa isna hellay 1863 cod, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga SDP.

Halkaan ka akhri warbixinta vantaa

Caasimadda Labbaad ee Finland Turku ayaa waxaa ka tartantay Roda Hassan oo in muddo ahba ka mid ahayd Golayaasha deegaanka Turku, waxayna heshay 1513 cod, waxayna ka midnoqotay xildhibaanada Turku, waxayna ka tirsantahay xisbiga Cagaarka ee Vihrea., Roda ayaa gaysay Somaliland mashruuc maktabad laga dhisay Berbera.

Muhiadin Hersi oo kamid ahaa Soomaalidii Finland soo gallay 1990 ayaa isna hellay codad gaaraya 2483, Muxiyadiin ayaa ka tirsan xisbiga Vasamisto.
Muxiyadiin ayaa deganaa Turku laga billaabo 1990, wuxuuna ka midyahay shakhsiyaadka ay Hay’adaha dawladda ee Degmada Turku tixgallin gooniya ku siiyaan arrimaha Somalia
Halkaan ka akhri warbixinta Turku

Warbixntaan waxaa soo diyaariyay Eng Ibrahim Gablax Espoo/Finland.

Akhri warbixin iyana isla arrinkaan la xiriidha.

Is bar Bar Dhig Nidaamka Doorasho ee Maraykanka Iyo Finland Kee Hanaan Cadaaladeed U Dhaw

 

 

One Response to Finland: Doorashooyinkii Degmooyinka Finland Oo Ay Soomaali Badan Ka Midnoqdeen Xildhibaanada Degmooyinka Akhri Magacyada Xildhibaanada Soomaalidaa ee Guullaystay

  1. Pingback: Xildhibaan Muhiadin Hersi Oo Kamid Noqday Xildhibaanada Caasimadda labbaad ee Finland Turku Oo Waraysi Siiyay Tv-ga Puntland | Puntland Observer