Haddii Xasan Culusow Qiray waxa kaliya ee Soomaaliya ay Qaran ku helikarto in uu yahay iyadoo Soomaali Siyaasadda ku heshiiso (Sidee Siyaasadda lowgu heshiinkaraa falanqayn)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waa khary marba haddi uu Xasab Culusow iyo kooxo farabadan ay muddo iska indhatirayeen in aan Soomaaliya xal loo helli karin illaa iyo inta laga hirgalinayo Dawlad hanaan Maamul wanaag iyo cadaalad ku dhisan.
Xasan Culusow ayaa Baarlamanka mar uu khudbad u jeedinaya qiray waxa kaliya ee Soomaali lagu horumarinkaro ee ay Qaran ku dhisan kartaa waa hanaansiyaasadeed oo bulshadu kuwada qanacsanyihiin oo cadaalad ku dhisan halkaan ka daawo

See loo Hirgallinkaraa maamul wanaag ama siyaasad wanaag

1) Waa in Xildhibaanada Golaha sharci dajinta hab saxa iyo matalaad shacab lagu qaybshaa oo ay noqdaan xildhibaanadu kuwa matala deegaanada ay kasoo jeedaan isla markaana kusoo baasay is reebreeb si sax ah lowgu tartamay ee aan laaluush ku iman, saxaafaduna duljoogto, habkaan Xildhibaanada Beelaha la isaga qaybshay wuxuu ahaa hab xal degdega lowgu raadinayay Soomaali ee ma ahan hanaankii saxa ahaa Halkaan ka akhri beelaha ay kasoo jeedeen Xildhibaanadii 2004
2) In Dastuurku noqdaa mid si fiican lowgu qeexo shaqooyinka ay kala qabanayaan hay-adaha Dawladda oo si cad oo aan caad kujirin lowgu qeexo, sidoo kalena lowgu qeexo sida dhaqaalaha, khayraadka, iyo canshuuraha ay u kala qaybaanayaan maamul gobaleedyada iyo dawladda dhexe, iyo waliba halka noqonaysa Caasimadda Soomaaliya iyo maqaamka siyaasadeed ee maasha noqota Caasimada waana in uu noqdaa Dastuur si cadaalada Soomaali oo dhami heshiis ugu yihiin ee aynan soo xariiqan kooxo gooniya oo dano gooniya leh.

In dastuurka lagu qeexo in aynan madaxda kuyimaada doorashada aynan magacaabi karin Agaasimayaasha hay’adaha Dawlada, Hay’adaha Goblada , balse kaliya ay madaxdaas lasoo doortaan ku ekaadaan siyaasadda afhayeenimo ee aan la xiriirin shaqada wasaaradaha iyo Gobalada sida caalamka akhri maqaalkan
3) in ay Xisbiyada iyo Madaxwaynahaba ay ugu yaraan soo doortaan 15000 oo ah ergooyinka baarka Soomaalida kasoo jeeda si ay u xushaan Hogaankii saxa ahaa akhri maqaalkan

4) Haddii aynan Soomaalidu meel walba oo ay jooggaan ku baraarugin oo u istaagin sidii Soomaaliya looga hhirhgallin lahaa maamul ku astaysan siyaasad cadaalad ku qotanta maadaama la ogaaday in aan Soomaalida lagu maamuli karin maamul aan cadaalad ku qotomin oo ay Soomaaliya noqotay dalka kaliya ee diida siyaasadaha dalalka aduunka looga hirgalinayo hogaamiyayaal dana gaara laga leeyahay akhri maqaalkan

Aakhirkii waxaa la sila qiray sida kaliya ee Qaran Soomaaliyeed lagu dhisi karaa waa iyadoo si cadaalada waxwalba loo qaybsado, waana wax lagu farxo in uu qiray arrinkaas madaxwayne Xasan Culusow.

Aakhirkii akhri maqaal aan ku daabacnay Puntlandobserver 4 sano ka hor
See Soomaaliya Loo horumarinkaraa, waxaa lagu horumarinkaraa Cadaalad, Cadaalad, Cadaalad(Warbixin Muhiima oo kooban fadlan ka faa-iidayso oo akhri)