Khayraadkii Soomaaliya (macdantii Kalluunkii) Oo la Boobayo, Iyadoo La Adeegsanayo Maafiyo Isku Xiran Gude Iyo Dibad

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

•Somalia Petroleum Law – Draft-June 2006 Hindishe sharciyeedkii batroolka Soomaalia

Oil & Gas Gas Lifecycle Summit for Somali Lawmakers & Federal Member State Representatives V1 19_01

Khayraadkii Soomaaliya (macdantii Kalluunkii) Oo la Boobayo, Iyadoo La Adeegsanayo Maafiyo Gudaha Iyo Dibadda Isku Xiran

Maxaan cadayn u ah??.

-Sharcigii batroolka ee Soomaaliya ee la ansixiyay 2008 oo la tuuray.
– sharci macdanta oo aan wala la samayn.
-sharcigii deegaanka (environment) oo aan wali la samayn.
-Sharcigii ay Soomaaliya khayraadka ku qaybsan lahaynd oo aan wali la isku raacin lana samayn.
-Sharcigii Soomaaliya iyo aduunku ku dhaqmilahaayeen oo aan la samayn.
-Maxkamaddii dastuuriga ee illaalinlahayd sharciyadaas oo aan la samayn, maxkamaddii sharciyada kore illaalin lahayd oo aan la samayn.

Muxuu yahay shirka macdanta iyo batroolka ee la leeyahay waxaa lagu qabanayaa Kenya, muxuu ka dhiganyahay ?, yaase loo qabanayaa??, ma shirkadaha maafiyadaa iyo hoteelada Kenya ayaa loo qabanayaa, mise meesha Komishin baa lagu kala qaadanahayaa?.
-Waxaas oo su’aalo ah in laga jawaabaa la rabaa?

Muxuuse wasiirka macdanta dfs kasoo doonnay Puntland, ma madaxda ayuu qaybtoodii laaluushkoodii komishinkoodii u wadaa, si looga helo kalsooni in dadka Soomaaliyeed hantidooda la dhaco, ma madaxda Puntland buu qaybtoodii u wadaa?.

Shalay bay ahayd markii Xamar lagu shiray ee ay Madaxwaynaha, Raysalwasaaraha iyo madaxda maamul-gobaleedyadu ka shireen shirkii lowgu magac daray khayraad qaybsiga kalluumaysiga ee beenta iyo tuugada ahaa, ee lagu boobayay khayraadka badda Soomaaliya, oo meeshii shacabka masaakiintaa ka kalluumaysan lahaayeen maraakiib ajaaniba lasoo galliyay.

Waxaa ka horreeyay in dakadihii iyo ayrabooradii la wareejiyay oo la ogyahay oo muuqda,

Fiira gaara.

1) dalkaan yaa leh, yaase u maqan?.
2) Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha, madaxda maamul gobaleedyada iyo labada aqal ee baarlamaankow, dalka idinkaa madax u ah, laakiin micnaheedu ma ahan in aad dalka waxaad rabtaan ka samayn-kadhaan oo aad idinku leedihiin, ee dad wax yaqaan raadsada soomaali dad waxyaqaan waa ka buuxaane, qalbiya iyo indhaha illaahay idinka ridyaye, dad waxyaqaan doonta, Soomaali waa ka buuxaan dad waxyaqaanne.

Qore Warsame Axmed
Qoraalo hore oo isla arrinkaan ka hadlaya.
Sharcigii Batroolka Maxaa Loo Tuuray (Qoral Ku Saabsan Shidaalka Soomaaliya iyo Talooyin Muhiima)

Sharcigii Badda iyo Sharcigii Batroolka, Waxaa loo Tuuray Dad Maafiya Gudaha ah iyo Dad Maafiyo Shisheeye ah (Qoraal Xasaasiya)