Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 4aad (Akhri warbixin muhima)

Filed under: Wararka |

Bismillah.
Halkaan ka eeg Qaybtii 3aad ee Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa..

Qaybtaan waxaan ku eegaynaa Muhiimadda ay leedahay xulashadda xildhibaanadda Puntland.

Durba wixii aan kadigaynay ee musuqmaasuqa kusalaysnaa ayaad mooddaa in ay Puntland aad uga socdaan waxaanan u jeednaa in durba ay dad damac xun, ururinayaan shakhsiyaad la doonayo in xildhibaano laga dhigo oo shacabka lagu jaahwareeriyo.

Qolooyinkaan damaca xun ayaa durba billaabay in ay ruuxa ka eeggaan cidda uu taageero isla markaana hadday ogaadaan in uu iyaga taageersanyahay hadhowna u codaynayo iyagu hadda u ololaynaya sidii uu u noqonlahaa xildhibaan.

Laakiin taa badalkeeda shacabka Puntland ayaa laga doonayaa in ay Mustaqbalka fog waxwalba ka hormariyaan kuna xushaan Xildhibaanka Aqoontiisa, aaminaadiisa, Qaddiyadiisa, sida uu ruux daacada u yahay, Aqoontiisa, waxaana loo baahanyahay in ay arrinkaan ka dagaalammaan oo kadiiddaan qolooyinka damaca xun sidii ay uga diideen Xisbiyadii been beenta ahaa.

Hadii aynan arinkaan inta goori goortahay aynan kadhiidhiyin waxaa imanaysa xili aan arinka waxba laga qabankarin in ay kashalaayi doonaan.

Madaxtooyada ayaa lagu xa,manayaa in ay hadda durba isku dayayso sidii ay usoo shaac bixin lahaayeen Xildhibaano taageerayaasha Xisbigii Horseed ahaa in marlabaad loo ololeeyo sidii ay Xildhinaan ku noqnlahaayeen, iyadoo arinkaas maal lagu bixinayo.

Hadaba waxaa habboon shakhsi kasta oo reer Puntland ah in uu awoodda sanadkan saaro sidii, si saxa lowgu tartansiinlahaa shakhsiyaadka uu damacu kaga jira kamidnoqashada Xildhibaanimada.

Xildhibaanno aqoonleh haddii ay shacabka Puntland si daacada kusoo xullaan, waxaa shacabka matali doona xildhibaanno soo xulikara Madaxwayne leh kartidii uu hogaanka Puntland kunoqlahaa, Madaxayne Aamina, Madaxwayne aqoon durugsan leh, Madaxwayne Cadaaliya.

Dhanka kalena xildhibaanadaas waxay awood u yeelanayaan sidii ay si saxa ula xisaabtami lahaayeen ruuxa ay u doorteen Madaxtinimadda, waxayna awood u yeelankaraan in ay xilka kaqaadaan haddii uu Madaxwaynuhu la imman waayo kartidii uu hawsha ku gudan lahaa, ama uu Madaxwaynuhu isku dayo Musuqmaasuq iyo eex iyo waxnoocaasa, aad bayna u fiicnaan lahayd in shacabka Puntland ay arkaan mar un Xildhibaano awooda in ay Madaxwaynaha cayrshaan, si ay u dhabawdo maahmaahdii Dibiga gawrac wanku haku quus qaatee, calshaan si aanu Madaxwayne danbe u yeelan dabeecadaha isla waynanka iyo Kaligi talinimada.

Shabacka Puntland waa in ay ka dhiidhiyaan oo banaanbaxyo kasameeyaan oo doodo ka qabtaan kooxaha shilimaadka kusoo xulaya Xildhibaanadda, hana ogaadeen shacabku in ruuxa waxaas ku dayay aanu waxba ula harin ayna ku khasban yihiin in ay diidaan.

Beel kasta oo Xildhibaan keensada layiraahdaa waa in Isimku si daacadda u tartansiiyaa Xildhibaanada doonaya in ay Beesha matalaan, waana in tartankaas si aan qarsoodi ahayn u dhacaa ee si saxaafadu u jeedo beeshana marka horeba lasii ogaysiiyaa.

Laakiin haddii Isimka kaligii loodaayo soo xulista, waxaa imanaysa in Isimada qaar ay lacag qaataan ama eex sameeyaan oo mid uu Isimku jecelyahay xildhibaan kadhigto, xildhibaankaasna ma matalo beesha ee waa xildhibaan u shaqeeeya Isimka.

Arrinkaan waa arrin bulshada Puntland aad ugu muhiima.

Sidee Xildhibaanka Doorasho lowgu samaynayaa.
Waxaa beesha laga soo xulayaa caaqiliinta beel hoosaadyada, waddaada, aqoonyahahanka adigu illaa 30 illaa afartan, waxayna Beeshu samaynaysaa Guddi doorasho oo illaa 5 ka koobban.

Waxaa la diinwaan gallinayaa Musharaciinta xildhibaanada beesha, waxaana la iclaaminayaa xilliga Doorashada, waxaana Codka bixinaya 30- illaa 40 ruux oo ka koobban caaqilkiinta, waddaadada, aqoonyahanka beesha, waxaana ka qaybqaadanaysa saxaafadda oo soo gudbinaysa sida doorashadu u dhacday oo live ah.

Sidaas ayuu ku imman karaa Xildhibaan u addeega shacabka Puntland, eeĀ  aan u adeegin Isimka.

Halkaan ka eg Qaybihii hore
Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3aad
Xassan Isbadaldoon

One Response to Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 4aad (Akhri warbixin muhima)