Kuwa Isimada iyo Xildhibaanada iyo Musharaxiinta Laaluushka codka iyo masiirka shacabka masaakiintaa kala iibsanaya sida ay diintu amaanada iyo xaaraanta uga hadashay (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

xildhibaan xaaraan cune
Maqaalkan hoose kilig garee waa muhim —->
Xildhibaanka ay kaga baxdo 100$ kun in uu Xildhibaan Noqdo, Wuxuu ku Mashquulayaa Sidii uu lacagtii Ka Baxday U cadaysan lahaaa(Maqaal Cadaynaya in haddii aan la iska qaban aynan Soomaaliya Rajo la ahayn)

Soomaalida waxaa illaahay ugu gargaari jiray waxay iska illaalin jireen waxwalba oo xaaraan oo dhan ayay iska illaalin jireen.

Maanta ninkii Isimka sheganayay ayaa laaluush ku qaadanaya xildhibaankii dhamaa ee umad dhan masuuliyadeed qaadayay, ninka noqda ergayga oo isna qaadanaya laaluuush, iyo midka musharaxaa eee xildhibaankaa oo 100 kun ku iibsanaya xildhibaanimada codkooda iyo laaluush.

Ninka isku sharaxaya Madaxwayne dal dhan oo iibsanaya codka xildhibaanka ee Masiirkii umad dhan, ninkaas oo shegtay in uu madaxwayne u tartamyo ayaa malaayiin lacaga ku bixinaya.

Waxaa laga yaabaa in uu ninkaas 70 sano jiro, oo dadkii ay isku maalinta dhasheen 60% waa ay dhinteen isagana aduun kusii noolashihiisa waxaa uga dhiman maalmo kooban, hadana waxaas oo dambiya ayuu dusha saaranayaa si uu daaro dhaadheer uga dhisto iyo hanti iyo magac, marka maxay taraysaa daar dheer oo uu dhisto marba haddii uu aakhiro u socdo sow uma wanaagsnayn in uu aakhiradiisa u shaqaysto umadaan masaakiintaa ee badaha ku dhamaatay muxuu mustaqbalkooda laaluush uga dhigayaaa,.