Talo: Fadlan Madaxwayne Farmaajo Xulashada Raysalwasaaraha U Magacow Guddi Xul Ah Oo Aad Gudoomiye uga dhigto Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Filed under: Important News,Wararka |

Talo Farmaajo
Waxaan talo koobban usoo jeedinayaa Madaxwayne Farmaajo si aan u wada guulaysanno oo faraxaddii aan wada faraxnay aynan nooga khasaarrin.
Fadlan Madaxwayne Farmaajo u saar Guddi, xulashada Raysalwasaaraha oo Soomaalida tus in aad taladii xulashada Raysalwasaaraha ka qaybgallisay, si markaas haddii xulashadii lagu khasaaro ay markaas eedeedana Soomaali oo dhan wax uga yeelato.

Gudigaas waliba waxaan ku tallin lahaa in aad Gudoomiye uga dhigto Prof Cabdi Ismaacaiil Samatar iyo illaa 6 ruux oo kale oo iyaguna xul ah, adigoo markaas gudigaas usoo bandhigaya qorshahaaga siyaasadeed si ay markaas u keenaan talada cidda ku habboon ama Raysalwasaare fulinkara hawlaha qorshe siyaasadeedkaaga iyadoon hadda meesha aan laga saarayn 4.5, maadaama hadda aan wali laga gudbin 4.5.

Waa xilli muhiima oo haddii aan is xasadno oo aan taakooyin isku wada dhigno aan wada khasaarayno, waxaana wanaagsan hadda in masuuliyadda ruux walba qaybtiisa qaato sida ay hadaba soomaali oo dhan usoo wada baxeen oo midnimada u muujiyeen, iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay doorashadii sida ay dhammaan maanta Soomaali masuuliyadda dalka isaga xilsaareen, waxaan joognaa xilli muhiima oo qolooyinkii Taakada noo dhigi jiray ay iyana shaqaysanayaan oo doonayaan in ay noo xulaan nin aan gayin masuuliyadda intaas baaxadeedu le,eg tahay , qolooyinka taakada noo dhigaa waa Soomaali iyo Ajnabi ee Ahnabi qura ma ahan.

Halkaan ka akhri qaar ka mid ah qormooyinkii hore ee aan wax ka qoray.
Doorashada 2016 sida ugu cadaalad san ee xildhibaanada loosoo xuli karo(Qormooyin iyo Aflaam)

Nimcooyinka Illaahay Soomaalida ku manaystay, 2000km Wabi, 3300km bad (Qormo gaaban)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad mar labaad)

Maxaad kataqaanaa Boqortooyadii Kushitiga (kush Kingdom, Kush impire) Soomaaliduse ma Kushitic baa asalkoodu?