Home » Search results for: “Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade””

Ilaahay Ma Loo Noqonayaa Nimanyahow abaaraha dhaciyo, beliyo aafaadka Dabka ololi uumiga ka karay, aradka guudkiisa Raxmaddii Ilaahay waxay, noogu iman wayday Ee adhiyo geelii marshaye, eberka noo saaray Arradka iyo gaajada waxaa, nagu alhuumeeyey Geeduhu waxay u engegeen, ubaxna loo waayay Oo ay ugaadhu u bakhtiday, ayda miranaysay Eelkaa wixii dhigey haddaan, idin ogaysiiyo […]

Continue reading …

Dhagayso; Mag la Dhiibi Maayo (Cali Xuseen Xirsi “SYL”)

Comments Off on Dhagayso; Mag la Dhiibi Maayo (Cali Xuseen Xirsi “SYL”)

Mag la Dhiibi Maayo Soomaaliyey dhoohan! Xaal waa dhammaadaye, Dhanaanaatay maanta oo Reedyaa dhawaaqee. Nin walaalki gooyey Ama dhiigga kaga qubay, Isna inuu dhadhaminaayo Geeridu dhab weeye, Ayaan meesha lagu dhimannin, Mag la dhiibi maayee! Warka buugga lagu dhigey Dhaxal buu ahaadee, Dhulka siduu ku noolaado Waa laysku dhaarshaye, Waa lagu dhuftamayaa Ruuxa is dhaqaajee, […]

Continue reading …

Dhagayso Gabaygii Xornimo doonka SYL: DANAB (Cali Xuseen Xirsi )

Comments Off on Dhagayso Gabaygii Xornimo doonka SYL: DANAB (Cali Xuseen Xirsi )

DANAB Markay calanka noo doonayeen, danabbadii dhaartay Daandaansigii maalintii, lays duqeeynaayay Hannoolaatadii lagu dalbaday, daalinkaan erinney Diigaanyadii weerartaad, dixida moodeysey Meydkii la daadshiyo kufriga, dooxatadu laysay Digti shalay dubbihi laysla dhacay, dhiiggi dixanaayay Ninkii doobta laadlaadin jirey, daqarki loo geystey. Dakanooyinkii laga gutiyo, godobti duugowdey Dunidaa ogeyd waxa ku dhacay, daalinkii shalaye Goortuu dirkiisa u […]

Continue reading …

Dhagayso:HASHII (Cali Xuseen Xirsi )

Comments Off on Dhagayso:HASHII (Cali Xuseen Xirsi )

HASHII In dhoweyd “Dha’dii” gabay ka tegey, dhehashadeediiye Hadba aniga oo dhaafay baa, laygu dhiriyaaye Markaasaan dhab baa loo hadlaa, dhagaxyo tuuraaye. Hashii aan dhibaato u marraye, dhididka loo saydhay Dhurwaagiyo libaaxuba Hashii, uu dhadhamin waayay Hashii dhiigga loo daadiyaan, ugu dhammaanaynnay. Khalqiga u dhintiyo shalay Hashuu, dhaawac tirabbeeley Soomaal dadkuu dhalay Hashuu, aad u […]

Continue reading …

Dhagayso:SHAN GEESLE (Cali Xuseen Xirsi)

Comments Off on Dhagayso:SHAN GEESLE (Cali Xuseen Xirsi)

SHAN GEESLE Calanyahow shanta gees lihi Ilaahay guul ha ku siiya oo Cadowgaagu ha guura oo Gurigaa lagu saaray Waligaa ku gabow! Galabtii lagu taagay Guddidii soconaysay, Qaar baa gowska qaniinnayoo Gadaal kuu dhugan waayayoo Gardarray ku socdaanoo, Daday meel ku garaacdiyo Gumeysi bay baratee, Haddii laysku gadoodo Quruun guudka madow iyo Gaalay kaama rogto! […]

Continue reading …

Maanta Waa kow iyo toddobaatan guuradii goortii la asaasay ururkii Leegada. 15.05.1943kii

Comments Off on Maanta Waa kow iyo toddobaatan guuradii goortii la asaasay ururkii Leegada. 15.05.1943kii

  Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed Waa kow iyo toddobaatan guuradii goortii la asaasay ururkii Leegada. 15.05.1943kii waxaa unkamay ”Somali Youth Club [SYC]” oo muddo dabadeed, 1947kii qaatay magaca ”Somali Youth League [SYL]”. Waxannu jecelnahay in aannu si gaar ah munaasabaddan ugu xusno oo ku soo qaadanno qaar ka mid ah maansooyinkii qiimaha iyo qaayaha lahaa ee […]

Continue reading …