Maxaa ka Jira In Dawladda Farmaajo Lakala Safatay Qulquladda Siyaasadeed Ee Turkiga Iyo Holand (Fallanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Hadda kahor ayaan p/O ku daabici jirnay sidii aan uga xumaanay mar Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh uu lakala saftay qulqulad ka dhex aloosantay Iran iyo Sacuudiga.

Waana arrin aad u qaldan in aad lakala safatid qulqulad si lama fillaana uga dhex aloosantay laba dal.

Waxaana wanaagsan haddiiba aad door ka qaadanaysid in uu noqdaa doorkaagu midkii dhex dhexaadin lahaa labada dal ee ay qulquladdu dhexmartay.

Waxaana habboon in ay Madaxda Soomaalidu marwalba dhex dhexaad ka ahaadaan siyaasadda dunida, isla markaasna ayba ka fogaadaan wixii qulqulad ku tacaluqa isla markaana dhanka wanaag ka shaqaynta ku ekaadaan.

Hoos ka eeg labada dal ee Cumaan iyo Sweden maqaalo aan ka qornay si lowgu daydo.
Marlabaad Akhri:Dalka Oman Waa Dalka Kaliya ee Ka Badbaaday Dalalka Carabta Waayo Siyaasaddiisu Waa Dhexdhexaad (Cdayn Iyo Qormo Gaaban)

Marlabaad akhri Qormadii aan P/O horey ugu Daabacnay ee Xadaaradda Sweden Maxay Soomaalidu kaga dayan karaan oo Loo Riyaaqay

Madaxwaynaha Turkiga ayay ahayd in uu ciyaaro siyaasad qabow oo uu ku kala fahmayo siyaasiinta midigta fog ee shakhsiyaadkaa iyo umad malaayiina dal ay ku nool yihiin, oo aadan la ficiltamin siyaasi xagjira ee taa badalkeeda aad danahaaga ka raacato, waayo hadaad la ficiltantid waxaad taageeraysaa siyaasigii xagjirka ahaa ee awalba codka ku helayay xagjirnimo iyo kicin bulsho

Puntlandobserver desk