Xalka Doorashada 2016 (maqaal kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxaa baryahaan Soomaaliya kasocda wadatashi ku salaysan hanaanka Golaha sharci dajinta lagu soo xulayo doorashada 2016.
Dhanka kale waxaa socda 4 hanaan doodood oo hadda miiska saaran in laka doorto.

Maqaalkan ayaan si kooban ugu talo biirsanayaa sida aan isleeyahay waa u dan dhamaan bulshawaynta Soomaalida, aniga oo markaas qaymaynaya wixii Soomaali soo maray.

Waxa Soomaaliya halkaa dhigay waa cadaalad daro, iyo damac ku salaysan koox ama shakhsi si gooniya wax u doonaya, waana waxa sababta ugu wayn u ah ay Maanta Soomaali halkaa dhigay oo illaahay dhul qaniya iyo goob istaraatijiya siiyay.

Waxaana wanaagsan in ay umaddu ku cibriqaataan wixii ay waayo arragnimo ka dhaxleen talaabooyinkii hore ee Qaldanaa.

Hadaba maanta waxaa habboon in Soomaali ay caqliga isugu geeyaan in Xildhibaanada lagu soo xullo sida ugu cadaaladsan oo aan nina sad dheeriya siinayn balse ay dadkoo dhan ku faraxsanyihiin, isla markaana uu muwaadinkasta iimaansado inta uu xaqa u leeyahay.

Waxaad hadda arkaysaa qolooyin isla idinkaa sad dheeriya ku heleya 4.5, halka ay qolooyinkalena isleeyahay amaad idinku sad dheeriya ku heshaan hanaanka Degmooyinka.

Waxaana wanaagsan in lahelo qolo ku fakarta maxaa Soomaali oo dhan dan u ah oo calaa aqali dadku kuwada qancayaan iyadoo aan qolona si gooniya lowgu danaynayn.

Xalka Soomaaliyeed ee Mustaqbalka fog kujiro, waa xalka Soomaali oo dhan u dan ah, waayo ninkii hadda sad bursi dan u arkaya muxuu ugu cibraqaadan waayay kuwii horay sadbursiga u sameeyay maxay dhaxal siiĆ½een caruurtoodii iyo bulshawayntii Soomaaliyeeed.

Waxa Soomaaliya burburiyay waa kacdoono lagu diidanaa sadbursiga iyo eexda, si marka kacdoonadaas looga hortago waa iyadoo hanaanka waxqaybsiga hab aan eex lahayn lagu jaangooyaa.

Waxaan taageeryaa talasoojeedintii Prof Cabdi Ismaaciil samatar ee oranaysay 10 000 oo bulsahda qaybaheeda kala duwan meel ha la isugu keeno markaasna ha doortaan Madaxwaynaha.

Waxaan ku biirin lahaa in marka 10.000 kun lasoo xulayo hab cadaalada loosoo xulo oo aan ku salaysnayn 4.5 ee ku salaysan Degmooyin iyo nidaamka asxaabta badan laakiin aan marna sadbursi siinayn qolo gooniya.

Waxaan kaloo ku darayaa in madaxda la doorto 2016 lasiiyo 3 sano oo ay ku diyaariyaan hanaan Doorasho cadaaladeed oo Soomaaliya ka islaaxda

Diyaariye Ibrahin Gablax:

Halkaan ka eeg maqaal arrinkaan la xiriira.

Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

Halkaana ka daalaco maqaaladii hore ee Ibrahin Gablax

comXukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Madaxda afrika oo garasho yari awgeed aan cadaaladda qaymayn (Maqaal muhim ah fadlan akhri)

Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal