Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 7)

Beeni Raad ma Leh [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Comments Off on Beeni Raad ma Leh [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

  Beeni Raad ma Leh [Sheekaxariirooyinka Soomaalida] Waxaa la yidhi, Nin baa beri arkay xoon shinni ah oo geed dheer dushiisa malab ku guraysa. Wuxuu go’aan ku gaadhay in uu malabkaas gurto. Qori dab ah, caws iyo masaar buu Ninkii soo qaatay oo geedkii malabku ku jirey la koray, si uu u soo gurto. ”War, […]

Continue reading …

  Haweeney Riyootay [Sheekooyinka Soomaalida] Haweeney ayaa nin wadaad ah u timid. Waxay ku tidhi: “Shiikhow, xalay waan riyooday! Waxaan ku riyooday kol anigoo Jannadii dhex taagan, kolna Cadaabtii ku jira. Maxaad u maleeyn kartaa ama dhacdadaan ku fasiri kartaa? Markaas ayaa Shiikhii ku warceliyey: “Maandheey, hadba taad jeceshahay nafta u sheeg oo niyadda gasho!” […]

Continue reading …

Duddun iyo Aboor [Sheekaxariirrada Soomaalida]

Comments Off on Duddun iyo Aboor [Sheekaxariirrada Soomaalida]

  Duddun iyo Aboor [Sheekaxariirrada Soomaalida] Oday baa carruur duddun hadhsanaysa u yimid. Wuxuu ku yidhi: “Maandhooyinow, hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiisa, hal kalena waa amakaag iyo ashqaraar. Aboor baa duddun dhisey – waa yaab. Misna habeenkii buu dhisaa – waa yaabka yaabkiisa. Ka sii daranoo candhuufo ayuu ku dhisaa – waa amakaag […]

Continue reading …

Awr Xiriir-Furatay

1 Comment

  Awr Xiriir-Furatay Nin dhaan ahaa ayaa laba rati isku soo xiriirsaday. Kolkii uu muddo sii socday ayaa mid awrtii ka mid ahaa xiriir-furtay. Ceelkii markii uu tegey ayuu arkay in rati qudha uu wato. Kii u hadhay ayuu ceelka gawgiisii ku xirtey oo dabadeed baadiggoob kii ka lumay ugu dhaqaaqay. Awrkii oo xalayto uu […]

Continue reading …

Garashada Sirgaxan

Comments Off on Garashada Sirgaxan

Cabdishakuur Cali Nuur   Garashada Sirgaxan Nin ayaa culimmo ka maqlay maalinta qiyaame cid kasta Eebbe in uu garsoori doono. Xayawaanka kol ay ku tahay, sida rida geesaha leh oo geesaheeda midda aan geesaha lahayn ama seenyoon ku disha. Waxaa la oranayaa: ”Intii lagugu dhuftay ama laguu geeystey markaad adduunka joogtay, ka aargooso ciddii kuu […]

Continue reading …

  Miyaa Magaca Loo Ekaadaa? Xadiis shariif ah oo Subbanaha (CSW) laga wariyey, ayaa dadka faraya in aan carruurta magacyada xun-xun ama dhibaatada ka tarjuma loo bixinnin. Xadiisku wuxuu tusaale u soo qaatay magacyada sida, Xarbi, iwm. Magacyada Soomaalida waxaa la mid ah, Colaad, Qaxar, Waraabe, iwm. Wuxuu Xadiisku leeyahay qofku magaca loo bixiyo ayuu […]

Continue reading …

Shire Jaamac Axmed   Garaad Aadan iyo Garaad Faarax ‘Wiil-Waal’ [Sheekooyinka ‘Wiil-Waal’] Reerka Geri Koombe la yidhaahdo, ayaa beri ku caasiyey caaqilkoodii, Garaad Aadan. Geri Koombe waxay, intoodii badnayd, ku tashadeen in ay Garaadka ka horyimaaddaan. Waxay ilaa heer damceen in ay dilaan. Garaad Aadan iyo Garaad Faaraxna saaxiibbo ayay ahaayeen. Dabadeed, Garaadkii Geri ayaa talo […]

Continue reading …

Markab Jabay [Sheekooyinka Soomaalida]

Comments Off on Markab Jabay [Sheekooyinka Soomaalida]

Markab Jabay [Sheekooyinka Soomaalida] Markab dad iyo maal ka buuxo ayaa haatuf ka dul dhawaaqay. Wuxuu yidhi: “War yaa Sh.So.10.000 i siiya oo belada soo socota Eebbe ka nabadgeliya?” Dhegeha ayaa dadkii markabka saarraa ka fureeystay. Mar labaad ayuu hadalkii ku celiyey, mise juuq iyo jaaq baa loo odhan waayay. Misana kol saddexaad ayuu hadalkii […]

Continue reading …

Taroox iyo Dabakafuullo [Sheeko Gaaban]

Comments Off on Taroox iyo Dabakafuullo [Sheeko Gaaban]

Taroox iyo Dabakafuullo [Sheeko Gaaban] Dhammaadkii siddeetameeyadii, qarnigii labaatanaad, xilligii xukuumaddii keligitaliye Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, magaalada Muqdisho, guri ku yiil xaafadda Boondheere oo lahaa qol irrid bannaan ah, ayaa la wariyey in ay wada kireeysteen oo deggennaayeen labo inammood oo dhallinyaro ahaa. Waxay xirfad nololeedkoodu ahayd kirishboynimo. Waxaa maqsinka yaroo seexan jireen u […]

Continue reading …

Dawladnimadii Sida Ukunta Gorayada Gabaahiirta Lagu Curiyey Beri baa waxaa jirey nin waayeel ahaa oo ilko iyo gowsaba beeley. Waxaa oori u ahayd xaajiyad isaga duco-qabto markaa la ahayd. Odaygu hilibka ayuu quutaa, mana karo, illayn gows laguma ogee. Afadiisu waa u calalisaa oo kolka ay dheecaanka ka shiiqsato ayay afka u gelgelisaa. Dabadeed hilibkii […]

Continue reading …