Home » Archives by category » Sheekooyinka (Page 8)

Geel Geel ah iyo Geel-Carruureed Miyiga kolka la joogo xoolaha waxaa u sarreeya geela. Carruurtu waxay ku ciyaaraan dhagax ay qoraan oo geel u ekeeysiiyaan. Waxay u bixiyaan magacyada geeloodu leeyahay. Baarqabkuna waa ku jira. Carruurtuna waxay jilaan geeljiraha ama dadka waaweyn oo xoolaha dhaqaya. Geel-carruureedku waa jilid magaca iyo muuqa kala mid ah geela […]

Continue reading …

  Dagaal Dhexmaray Aqoonta iyo Qabyaaladda Dagaal aad u culus oo hubka noocyadiisa kala duwan laysu adeegsaday, ayaa Soomaaliya ku dhexmaray aqoonta iyo qabyaaladda. Dhammaan goobihii laysku farasaaray waxay guushu raacday qabyaaladda. Aqoonta oo inteeda badan adduunka ka talisa, qabiilkana waa hore soo afjartay, ayaa la yaab ku noqotay argaggixisada qabiil oo Soomaaliya la wareegtay. […]

Continue reading …

RAH [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

Comments Off on RAH [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

RAH [Sheekaxayawaannada Soomaalida] Waxaa la wariyay waa waayada ka mid ah, iyadoo jiilaal adag oo gaag-ma-reebaan ah lagu jiro, in Rah uu amaah qaatay. Wuxuu ballanqaaday in kolka la doogsado oo roobku da’o uu qaanbixi doono. Goortay nimcadii Eebbe soo hoortay oo dhulku dhammaantii barwaaqo noqday ayaa, isagoo balli dabaaljoogleeynaya, ninkii qaanta ku lahaa u […]

Continue reading …

Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban) Waa waayada ka mid ah, ayaa la yidhi, degsiimooyinka Soomaalida waxaa ka aloosmay colaado iyo dagaaallo damiwaayay. Xaajo ugub oo dihin ayay ahayd oo gar-cadaawo noqotay. Kufsasho, xasuuqid, isirxaaqid, baqti-gowrac, maataddoox, mooradduug iyo saqiirraddubad ayaa dhacay. Dhiig fara badan ayaa dhulka galay. Falal aad u foolxun, silloon oo sirgaxan, Muslin […]

Continue reading …

  Laba Nin oo Saaxiibbo Ahaa [Sheekooyinka Soomaalida] Laba nin oo saaxiibbo ahaa ayaa midkood Eebbe ka baryay in jawaab dahab ah uu siiyo. ”Ilaahow, jawaan dahab ka buuxo igu deeq!” ayuu ku duceeystey. Saaxiibkii oo dhinac taagnaa oo baryada maqlayay ayaa ka daba yidhi: ”Aammiin!” Rabbi tuugsigii waa ka aqbalay oo jawaankii dahabka ahaa […]

Continue reading …

Dagiiran iyo Bakayle [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

Comments Off on Dagiiran iyo Bakayle [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

Dagiiran iyo Bakayle [Sheekaxayawaannada Soomaalida]   Waxaa waa colloobay dagiiran iyo bakayle. Dhiilladiina dagaal baa ka kacay. Maalintii dambe ayaa koox ballaaran oo bakayle ah, iyo goosan dagiiran ahi dagaal foodda isku diireen. Dagiirankii markuu ogaaday in laga fara badan yahay, ayuu cadowgii jar u maleegay. Kooxo kooxo yaryar buu isu qaybiyey. Koox waliba intay […]

Continue reading …

Saaxiibkaa Lama Siro [Sheekooyinka Soomaalida]

Comments Off on Saaxiibkaa Lama Siro [Sheekooyinka Soomaalida]

Xasan Yacquub “Baabraqiis”   Saaxiibkaa Lama Siro [Sheekooyinka Soomaalida] Laba wiil oo saaxiibbo ahaa ayaa waa waayada ka mid ah kiilo timir ah ay ka wada dhexeeysey. Mid wiilashii ka mid ahaa ayaa hunguri-xumo qaadday. Timirtii shuraakada lagu ahaa ayuu kelidii kob ku soo xaseeystey oo kaddib inankii labaad ee la socday u yimid oo […]

Continue reading …

  Khilaawo [Sheekooyinka Soomaalida] Nin wadaad ah ayaa, waa waayada ka mid ah, sac qudha ka lahaa wax hanti xoolaad ah oo uu markaa carruurta u lisi jirey. Maalintii dambe ayuu carruurtiisii ku yidhi: “Maandhooyinow, anigu saddex casho ayaan khilaawo gelayaa. Waxaan codsan lahaa in aan la ii imannin oo layla hadlinnin”. “Aabbe, hawraarsan!” ayay […]

Continue reading …

  Cashar Qiimo iyo Qaayo Badan   Bishaydii labaad ee aan dhiganayay iskuulka kalkaaliyaha caafimaadka, macallinkayaga iskuulka ayaa imtixaan kedis qoraal gaaban ah naga qaaday. Waxaan ahaa arday dadaal badan oo waxbarashadiisa si wacan uga adag. Dhammaan weyddiimihii u horreyey waxay ahaayeen kuwo aad aniga iigu fudfududaa ilaa aan u imid su’aashii u dambeeysey oo […]

Continue reading …

QAAD-CUNE

Comments Off on QAAD-CUNE

Cabdishakuur Aadan Faarax   QAAD-CUNE   Ninka qaadka cuna: Laba ragga ayuu kala mid yahay; Laba dumarka ayuu kala mid yahay; Laba daayeerka ayuu kala mid yahay; Laba dameerka ayuu kala mid yahay; Laba lo’da ayuu kala mid yahay; Labana geela ayuu kala mid yahay.   ——————————————————————————————————————————   Laba ragga ayuu kala mid yahay – […]

Continue reading …